|

Mujj.Cali Gurey Hogaamiye fahmay ka faaiideysiga Warbaahinta Casriga ah iyo xukuumada Siilaanyo oo garan la hab ay u amuusiiso

Hargeysa Sept 13,2013(SDN)-Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ee UCID ayaa noqday siyaasi si dhaba ah uga faaideystay warbaahinta casriga ah ee haatan loo raray doodaha siyasadeed ee Dunida guud ahaan gaar ahaana kuwa Somaliland.

Gudoomiyaha ayaa u muuqda Siyaasi fahmay xawliga isbedelka Siyaasadeed ee dalka iyo sida degdega ah ee muwaadiniintu xogta haatan isugu gudbiso warbaahinta casriga ah.

Barta Internetka ee siyaasiga Cali Gurey ayaa waxa ku xiran dad ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu maalin walba dhawr goor afkaar ku wejahan hab dhaqanka xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Halkaa oo shacabka u dheg taagaya faalooyinka Cali Gurey ay ka fal celiyaan qoraalada sawirka ka bixinaya xaaladaha dalka.

Waana ay adagtahay in aad doodaha uu siyaasugu soo bandhigo aad uga gar hesho,sababta oo ah waxa uu inta badan guddoomiyuhu soo bandhigaa taariikh iyo dhacdooyin u baahan in la xusuusnaado.

Shacabka la socda qoraalada Cali Gurey ayaa waxa ka mid ah muxaafidka jibedda ku taageera xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Mana badna in ay wax jaawaabo ah ka bixiyaan faalooyinka Mujjaahidku halkaa ku soo bandhigo,waxase mararka qaar dhacda in ay codsi ah in uu far ku godida ka daayo xukuumadan socod baradka ah.

Cali Gurey ayaa sidoo kale fariimahan dadka ku gaarsiiya kiyoon u sii marin saxaafada ujjeedo badanta ah ee ay intooda badani Xukuumada Somaliland jeebka u buuxisay.

Waana arin in dhawaalaba xanuun badan ku hayay guulwadeyaasha xukuumada Axmed Siilaanyo oo hawshoosdu ku soo koobantay sidii ay u yureyn lahaayeen cid walba oo damacda in ay xuquuqdeeda asaasiga ah ee xoriyatul qolka.

Waxaana hanti iyo wakhti fara badan qaranka uga lumiyaan sidii been iyo cabudhin dalka mugdi loogu heyn lahaa si aaney iftiinka ugu soo bixin dhabaha madoow ee dalku cagta saaray.

Siyaasi Cali Gureyna waa Hogaamiye ku dayesho mudan oo shacabkiisa ka haqab tiray xaqaaqiqa dalkooda iyo mandaqada ka jira.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed