|

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac Oo Hambalyeeyay Madaxweynaha La Doortay, Kana Warramay Dhacdo La Yaab Leh oo uu Ka bartay Madaxweyne Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 22. November 2017 (SDN/QJ):-Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ah Madaxweyne ku-xigeenkii u horreeyay ee Somaliland, ayaa Hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Mujaahid Xasan oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa ka warramay waxyaabaha uu ka yaqaanno Shaqsiyadda Muuse Biixi Cabdi oo ay Halgankii SNM ka soo wada qayb-qaateen, waxaanu yidhi “In badan baa Aniga la iga waraystay Muuse. Muuse wax badan baa laga yaqanaa oo waa Ragga Wakhti badan ku jiray Siyaasadda, laakiin Laba Qodob oo aanay Dadka badankiisu ka war-qabin ayaan Dadka ugu daraa (Taariikhda Muuse) oo ay la yaabaan. Waata koobaade, Wakhtigii Jabhadda SNM oo Xero-joogga Ciidanku Wagash-wagash yahay oo aanu wanaagsanayn ayuu Muuse noo yimid. Muuse intuu qaatay Bud, Tooray iyo Caday dheer ayuu Xerada u dhex fadhiistay Mujaahidiinta, dabadeedna way ku daydeen Saraakiishii, waxaanu SNM ku soo kordhiyey wax la yidhaahdo ‘Xero joogga Saraakiisha’ oo markaa naga maqnaa, wax weyna ka beddelay Jabhaddii SNM, Sababta u suurto-gelisayna waanu Qayili jirin, laakiin Saraakiisha kale way qayili jireen oo Xerada way ka tagi jireen, Askartuna way la Qayilaad tagi jireen. Marka Dagaal (La gelayo) waalla heli jiray Saraakiisha iyo Askarta kale, laakiin inta u dhaxaysa ayaanay jiri-jirin waxaad ku xisaabtanto oo aad Xerada ka helaysaa, intaanu Muuse imanin.”

Mujaahid Xasan wuxuu hambalyo u diray Musharrixiintii laga guulaystay “Somaliland baynu Tahniyad u diraynaa, Musharraxiintii oo dhan ayaynu Hambalyeynaynaa, laakiin si gaar ah waxay Maanta Hambalyadiisii tahay Muuse Biixi Cabdi.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in wixii uu Talooyin u hayo uu la wadaagi dooni Muuse Biixi markay xidhiidhaan “Isaga markaanu wada xidhiidhno ayaan Talooyinkayga ku horreysiinayaa. Qolooyinka laga guulaystay ee Mucaaradkuna inta dambe si wanaagsan ayay u hadleen, iyagana waan Hambalyeynayaa, waxaanan ku boorinayaa inay kaga dhabeeyaan Hadallada dambe ee Wanaagsan ee ay yidhaahdeen, waanan u ducaynayaa.”

Comments are closed