|

Mujaahid Dhego-wayne Oo Walaac Ka Muujiyay Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland iyo Doorashada Madaxtooyada

Hargaysa 23. December 2016 (SDN/QJ):- Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhega-wayne) oo ka mida siyaasiyiinta Somaliland, ayaa  sheegay in siyaasaddii arrimaha dibada ee Somaliland dib u dhac wayni ka muuqdo.

Mujaahid Dhagawayne,  waxaa uu sheegay in siyaasaddii arrimaha dibadu ay gabaabsi ku jirto taasina ay keentay in beeshii caalamku ay kulamo la yeelato xisbiyada mucaaridka ah, shakhsiyaad iyo waliba reero ka mid dadka Somaliland degan, waxaanu Dawladda ku eedeeyay In arrimihii dibadda ay ka gaabisay oo aanay waxba ka qaban.

“Siyaasadda arrimaha dibaddu gabaabsi ayay ku jirtaa, waddamadii caalamku dad aan xisbi ahayn oo shakhsiyaad iyo reero ah ayay imika u yeedhanayaan oo ay la shirayaan”ayuu yidhi Mujaahid Dhega-wayne oo u waramayay HCTV waxaanu intaasi ku daray “Laba kun oo meelood ayay shirar ka dhacayaan, xukuumaddii arrimihii loo dirtay way ka gaabisay, reero waaweyn lalama hadlayee jilibo yar yar ayaa loo yeedhanayaa imika”

Sidoo kale Mujaahid Ibraahim Dhagawayne waxaa uu Walaac ka muujiyay qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada oo uu ku sheegay inaanay wakhtigoodii qabsoomeyn “Doorasho xaq iyo xalaal ah oo ay xisbiyada ku kala baxaan hala helo, hala tashado, waayo? wakhtigii doorashada la qaban lahaa waalla dhaafay, doorashadu hadday dhici waydana eedeeda waxaa iska leh dawladda”ayuu yidhi Mujaahid Ibraahim Dhagawayne.

Gabagabadii, Mujaahidku  wuxuu ku taliyey in xukuumaddu u gurmato dadka ay saameysay abaarta iyo sicir bararka quutal-daruuriga, “Waxaa ayaan daro ah dadkii oo Subax walba Sicir barar lasoo toosayo oo waxay iibsadaan aan garanayn, Laba abaarood ayaa dalkii ka jira mid aynu gacanteena ku samaysanay iyo tii Ilaahay”ayuu yidhi Mujaahid Ibraahim Dhagawayne.

Comments are closed