Mujaahid Dayib-Gurey ooHargeysa Xus loogu qabtay
Hargeysa Feb 19,2012(qurbejoog.com)-Munaasibad lagu xusayey Mujaahid Maxa,med Axmed Ibraahin Dayib-Guray ayaa maanta lagu qabtay Dugsiga sare ee Dayib Guray ee magaaladda Hargeysa.
Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne ku xigeenkii U horeeyay ee Jamhuuriyadda Somaliland Xasan Ciise Jaamac,Gudomiyaha Ururka Xaq-soor Axmed-Nuur Aw Cabdi shaacir,mujaahidiin, masuuliyiin ka socotay wasaaradda waxbarashada , Masuuliyiinta shirkadda SBI ee Cocola iyo marti sharaf kale waxa haklkaasi.
Mujaahid xassan Ciise Jaamac, waxaanuu si qoto dheer uga waramay kaalintii Mujaahid Dayid uu ka soo qaatay halgasnkii dib u xoraynta Dalka.waxaanuu xusay inuu ahaa siyaasi weyn oo halgamaa ahaa. Kaalin fir-fircoona ka qaatay dhis-maha Qaranimada Somaliland.
Mujaahid Xasanb Ciise waxa kale oo uu sheegay Mujaahid Dayib uu ka mid ahaa nimanka mar-kasta dejiya sharciyaddii S.N.M., waxaanuu intaa ku ladhay in sanadkii 1986-kii oo ay hogaaminayeen Mujaahid Dayib iyo Dhegaweyne dagaalkii xoraynta dalka uu ahaa sanadkii ay ugu Guulaha badnayd ,una khasaaraha yarayd S.N.M.Mujahid Xasa, Waxa kale oo uu xusay,in Mujaahid Dayib alla ha u naxariistee lagu xasuusto dagaalkii Gunburaha ee ay isaga iyo Mujaahid dhega-weyne hogaaminayeen, oo ay Guul wayn oo ay u qaadan waayeen Saraakiishii Waqtigaasi ee Itoobiya sida geesinimada leh ee ugu guulaysteen dagaalkaasi Gunburaha.
Waxa kale oo Isna halkaasi ka hadlay Liibaan Yusuf cismaan oo ka socday Wershada sharaabka ee SBI, waxaanuu sheegay inay ka wershad ahaan ay kaalin weyn ka gaysteen qabashada munaasibadan xuska Mujaahid Dayib Guray alla ha u naxariistee, oo ay iyagu wershad ahaan bixiyeen sharaabka munaasibadan ku baxay. Waxakale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha ururka Xaq soor Axmed Nuur shaacir aw Cabdi, iyo maamulaha dugsiga Sare ee Dayib Guray khaddar Cismaan Cilmi, Waxaanay muhimadda ay leedahay Munaasibta Xuska iyo xasuusta Mujaahid Dayib Guray, iyada oo ay tilmaameen inuu ahaa Hagamaa kaalin xasuus leh ku lahaa halgankii dib u xoraynta dalka.
Qurbejoog-Hargeysa