|

Mujaahid Cali Gurey Oo Reer Burco u sheegay inay Kooxo Dano Gaar ah Lihi Madaxweynaha Jaahwareeriyeen

Burco:Oct,16,2014(SDN/QJ)-Mujaahid Cali Yuusuf Maxamed(cali-gurey)oo ah Guddoomiye-kuxigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid, ayaa shacabka u sheegay inay Madaxtooyada somaliland ka Buuxaan kooxo dano gaar ah leh oo madaxweynaha wareerinaya, kuwaas oo ujeedadoodu tahay inay madaxweynaha sumcaddiisa dilaan.

cali gureyMujaahid Cali Gurey oo haatan ku sugan Magaalada Burco, ayaa shacabkaas u sheegay in looga Baahan yahya in madaxweynaha ay u soo duceeyaan, isagoo sidoo kale yididiilo xumo ka Muujiyey Doorashooyin dalka ka dhaca,

“Idinku Dalka Burco ayaad ka joogtaane Inta Mas,Jilbis, Halaq ,Good, Abees iyo Abris is dhex-qaadaysa madaxtooyada waad yaabaysaan, markaa odayga u duceeya in Ilaahay waxaasi ka nabad-geliyo oo uu meesha nabad-gelyo kaga tago, Waa Duryama Meeshan uu ku jiro ayaa meel-baas ah madaxweynuhu ee u duceeya.” Ayuu yidhi Muj. Cali Gurey.

Mujaahid Cali Guray, aya sheegay inaanay Muuqanin astaamo muuhinaya inuu madaxweynuhu doorasho qabto inkastoo uu hore u sheegay inaan maalinla loogu dari doonin, waxana uu yihdi,

“Waxaad ogaydeen todoba safiir oo Yurub iyo Maraykanaa dalka yimi ,arimaha ay u socdeen ,arinka kowaad ee ugu muhiimsanaa waxa uu ahaa doorashadii aynu ,inaku waydiisanay ee waliba ay inaga caawiyeen ,markaa waxay yidhaadeen waar doorashadii aanu idinka caawinaynay qarashkeedana aanu idinka taageeraynay, jiitan ayaa idinku yara jiree qoladiinan xukuumadu sidaad leedihiin dabadeed-na madaxweynuhu hore-na labada Aqal ee baarlamaanka wuu uga sheegay in aanu maalin ku darsanaynin mudadii xilka loo igmaday , wufuudan oo dhana wuu sheegay in doorashadu xiligeedii ku dhacayso ,hadaba balaayadan ku hoos-naban ee ka hoos duryamaysa ,ee leh kolna sanad ayaa la kordhinayaa kolna laba Sano.” ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed