Mujaahid Cali Gurey Oo Ciidamada Awdal La Geeyey Ku Sababeeyey Aargoosi Xukuumaddu Kaga Jawaabayso Xildhibaanadii Gobolkaas Kasoo Jeeday Ee Fashiliyey Inqilaabkii Cirro Ka Dhanka ahaa
Hargeysa:Dec,20,2014(SDN/QJ)-Mujaahid Cali-gurey oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Ucid, ayaa ka Hadlay xaaladda ka taagan Gobolka Awdal iyo sida ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uga falcelisay arrintaas.
Mujaahid Cali Gurey, ayaa qoraal dheer oo uu Barta Face-book-ga soo dhigay su’aal ku geliyey sababta ay xukuumaddu ugu dhaqmayso hannaanka Bilaa Natiijada ah ee keenay inay dheeraato xalka laga gaadho dhawaaqa kasoo yeedhay Suldaan Wabar oo dhawaan sheegay inuu fallaagoobay.
Waxa uu Cali-gurey sheegay in madaxweynaha iyo kooxda ku hareeraysani aanay daacad ka ahayn in xaaladaasi qabowda, waxana uu sidoo kale farta ku fiiqay inay suurtogal tahay in ciidamada tirada badan ee Awdal ay kusii waddo iyo sida aanay daacadda uga ahayn in xal lahelaa u muuqato aargoosi ay kaga jawaabayso mudanayaashii Gobolkaas kasoo jeeday ee dhawaan diiday inay qayb ka noqdaan Inqilaabkii fashilmay ee madaxtooyadu doonaysay inay meesha kaga saarto Guddoomiye Cirro oo laf dhuun gashay ku ah aqalka waddanka looga arrimiyo.
Qoraalka mujaahidka ayaa u dhignaa sidatan:
“CAJAB! Odaygii waxaas oo miidhan baa marna lagu maaweeliyaa marna lagu madadaaliyaa inagana war la inooga dhigaa. Hadda dhinaca kale sidiiyoo Awdal guuto camaaray ihi ku habsatay waxa ciidan ku sii qulqulaya Boorame iyo inta gurmad la iska daba geeyay waynu wada ognahay in aanay wax kale jirin oon hadalkii Suldaan Wabar ahayni kaasina ay ahayd in lala tashado oo laga war sugo hogaamiye dhaqameedka Awdal ka hor inta aan Awdal col la gelinin.
Tan kale waar Madaxwaynuhu hadii ay jirto in dalkiisa ay xaalad adagi la soo deristay miyaanay ahayn in isaga laftiisu dadka wax u sheego, odayaasha Awdal la tashado, intii uu talo bidayana wax waydiiyo.Waxan uu meesha ku haysto een caqli iyo cilmi iyo garasho toona lahayn lacag urrursi mooyaane miyaanay haboonayn inu yidhaa talaabo lama qaadi karo aniga la’aantay mise isaga laftiisa ayaaba waali duulka ku dhacay Awdal dabada ka riixaya oo waa cadhadii xildhibaabadii Awdal ee fashiliyay shirqoolkii inqilaabkii wakiilada ee dhicisoobay iyo aar goosi iyo gocasho dambe.
Sida loo maamulay arirnka Suldaan Wabar sax maaha surma seegtooyin-kuna way tiro beeleen. Caqliyada siyaasiyiinta curdinka iyo caydinka ah fal xumadooda iyo surmo seegtooyinka ay gelayaan waxa ay xalisho daayoo waxa suurtogal ah inay xaaladda uga sii daraan.
Waxa ka daran Madaxwaynuhu inaga ayuun buu inoo Madaxwayne yahaye iyagu isagay Madaxwayne u yihiin oo waxii kasta ey iyagu wataan kama hor iman karo inuu ” hayee iska wata yidhaa mooyee”, hadaba iska wata dad ma kala saari kartaa” ayuu Mujaahid Cali Guray, qoraalkiisan kooban ku soo gabagabeeyay
SDN/QJ