|

Mujaahid Boobe Yuusuf Oo Shirguddoonka Wakiillada Ku Tilmaamay Dabin Kulmiye Daahir Rayaale U Dhigay oo Qayrul-dastuuri ah

Hargeysa:25-Dec-2013(SDN)-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Muj. Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay khilaafka ka dhex cakiran Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland iyo Hannaanka ay maxkamadda U soo Farogelisay Murankaas.

BOOBEHEENA Mujaahid Boobe oo shalay u warramayey qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa sheegay inay wax lala yaabo tahay in Gole isku dhan oo shaqadiisa qabsaday ay maxkamadi tidhaadho go’aankiina waanu ka garnaqaynaa,

“waxa la yaable in gole dhamaytiran oo cod aqlabiyad ah  ku fadhiistay oo Guddoomiyihiisii Joogay oo Guddi-hoosaadyo ansixiyey in , berrina  Maxkamadi Go’aan Soo Saarto o tidhaahdo wixii aad isku raacdeen waanu laalnay ilaa inta aanu gartaa gelayno.” Ayuu yidhi mujaahid Boobe.

 

Sidoo kale waxa uu Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale  u soo jeediyey Maxkamadda sare inay meesha ka saarto Shirguddoonka Golaha  oo uu sheegay  inay Xeer Hoosaad ku samaysmeen oo aanu distoorku qoraynin, waxna uu yidhi, “Maxkamadda sare Haddii ay garnaqayso haka garnaqdo shirguddoonka golaha wakiillada ee aan Dastuuriga ahayn ee lagu daray xeer hoosaadka Golaha wakiillada”

Waxa uu sheegay Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale in waajibka iyo shaqada Goluhu ay saaran tahay Guddoomiyaha, isla-markaana kaliya ay  ku xigeenadiisu shaqada qaban karaan marka uu maqan yahay, waxana uu yidhi,“Guddoomiyaha golaha xilku isaguu saaran yahay markuu maqan yahay bay kuwa kale imanayaan, sheekaduna ma noqonayso kula lihi, maxaa keenay Go’aan maanta la gaadhay berry maxkamadi ha soo saarto.”

Ugu dambayntii waxa uu mujaahid Boobe Yuusuf tilmaamay una soo jeediyey Maxkamadda Sare ee Somaliland inay Meesha ka saarto dhaqanadda aan distoorka waafaqsanayn ee dalka laga dhaqmo, isagoo samaysanka Shir guddoonkana ku tilmaamay Dabin loo dhigay madaxweyne Daahir Rayaale, waxana uu yidhi,

“Maxkamadda sare waa in ay  meesha ka saartaa wax allaale iyo Wixii xeer hoosaadkaa ku jira ee aan Dastuurka la jaanqaadayn inuu ka saaro oo ay kow ka tahay Dabinkii yaraa ee Daahir Rayaale loo dhigay ee ahaa in shirguddoon wax la yidhaado la sameeyo”

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed