|

Muj. Cali Gurey Oo Daaha Ka Fayday Shirkad Hantida Shacabka Lagu Urursanayo Oo Dhawaan Hargeysa ay Kaga Dhawaaqeen Koox Wasiirro ahi

Hargeisa:Feb,18,2015-(SDN/QJ)-Cali Maxamed Yuusuf(cali-gurey) oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka 3-aad ee Xisbiga Ucid, ayaa ka Hadlay Shirkad dhawaan Hargeysa lagu daahfuray oo la sheegay inay ujeeddadeedu tahay Dhawrista Tayada Gaadiidka Waddanka Soo gelaya.

cali gurMujaahid Cali Gurey, ayaa Abuurista shirkaddaas ku tilmaamay Mashruuc Xukuumaddu waddo ay doonayso in dad gaar ah lagu naas nuujiyo, maadaama horeba ay u jireen Mashaariic sidan oo kale ahaa oo la tilmaamo in dad gaar ahi gacanta ku hayaan mashaariic muhiim ah oo la doonayey in tartan loo galo.

“Wax walba way ka been sheegayaan. Yaa Imaaraadka Carabta ka leh? Ma sokeeye mise shisheeye mise labadaba? Waa ayo kuwa muwaadiniinta ah ee wax ku lihi? Ma lacag baa ma bilaash? Hadii ay lacag tahay intay dhan tahay? Qasab miyaa mise waa cidii doonta? Tayada gaadiidka waa wixii la odhan jiray kalawdiyo ee Wasaaradda Gaadiidku u xil saaraan jirtay oo loo rogay ganacsi gaar ah oo lagu naas nuujinayo, dadkana qasab lacag intii ay doonaan ah lagu saarayo oo cidba in loo saarayo. Waa mashruuc hunguri kale oo kuwii hore oo kale iyo qandaraasyadii eexda iyo qaraabo kiilka ahaa uun la mid ah. Ogow mana aha kii ugu dambeeyay eh casaabaddu kolba sheeko lacag urursi ha keento ILAYN MISKIIN BAA MISKO LA FUULO LEHE MAXAA IYAGA KA GALAY CIDII AY DHIB KU TAHAY” ayuu yidhi Cali Guray

Sidoo kale waxa uu yidhi Mujaahid Cali Guray”Waxa ka daran waxa la yidhi dekedda ayay u fadhiisanayaan baabuurta soo degaysa ee Imaaraadka laftiisa ka timaada oo sandulle lacag aan lagugu lahayn ciddaa ku sii lagu odhanayaa. Ma baabuur aan dalkaba ku soconin baa taydiisa la hubinayaa mise kuwa lagu dhex wato Somaliland eed duuga ah? Waxay og yihiin hadii gudaha la is la soo galo in baada aan la wada siinayn markaa waa in ay cunaha ku qabtaan dekedda. DADKAN baa kuu aqaan iyaguna way yaqaanaan in aanay waxba diidi karin. MARKAA HA LAGU WADO UUN” ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed