|

Muhiimadda Qoddob Fasaqay Wax-Qabadkii Ay Dawladda Hoose Ee Hargeysi Ku Faanni Lahayd & Qorshaha Casriyeynta Jidadka Caasimadda

Hargaysa 11. September 2017 (SDN/QJ):- Roobab aad  loogu qabawsaday oo ka da’ayay habeenadii ugu dambeeyay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa  dibeda u soo saaray dhaliilo  muujiyey qorshe xumaan ka dhalatay dhismaha iyo casriyeynta jidadka caasimadda ee ay fulinayso dawladda hoose ee  Hargeysa.

Dhaliilahan oo ay badka soo dhigeen roobab habeennadii ugu dambeeyay ka da’ayay Hargeysa  ayaa    roobkii maalin afraadii hooray waxyar kadib markii farta laga qaaday casriyeynta jidkalabaad eecaaasimadda waxa ay sababeen in isla markiiba   uu hakad galay isu socodkii gaadiidka  noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka Hargeysa. Kadib markii qashin badan ay daadadku ku sootufeen wadooyinka.

 

Qaar kamid ah dadweynaha reer Hargeysaoo iyagu siyaabo kala duwan u falanqeeyey arrimahan ayaa dawladda hoose ku canaantay  inay qorshe la,aan ku dhistay   oo aan looba samayn hannaan biyo mareeno ah taasoo dhalisay in waddooyinkii magaalada laga hirgaliyay in ay isu rogaan togag daadad ku soo rogmanayaan oo aan la miari karin.

Qaar ka mid ah dadweynaha caasimadda Hargeysa ayaa   aragtiyo kala duwan ka bixiyay  culayska ka dhashay qashinkii ay daadadku ku soo fatahiyeen jidadkii cusbaa.  “Haddaynu daaro dhaadheer dhisano waddooyinna samaysano oo aynaan biyo mareeno u samayn daad baa inna qaadi doona  waayo  caasimaddu waa magaalo buurolay u badan oo taagag kala sarreeya leh oo biyo badani ay ka soo rogmadaan.  waxaa kale oo biyaha sii laban laabay dhismayaashan faraha badan ee aan mid kaliyi lahayn berkado majaroor oo ay biyaha cirka ku kaydiyaan innagoo biyo la’aan maalin kasta ka cabana ayaanay guryaheenu lahayn majaroor biyaha roobka lagaga dhaansan karo, haddaynaan biyaha cirka u samayn meel ay maraan caasimad ahaan mayso ee daad baa inala tegi doona” sidaa waxaa xogsoormedia.net u sheegay  Oday Jaamac Muuse oo xilligaas ku sugnaa   inshaarada baabuurta kala hagta  ee badhtamaha suuqa waaheen xilli roobku da’ayay isla markaana waddooyinku ay u  xidhmeen daad badan oo ku soo rogmaday.

 

Dhinaca kale waxaa isna ka dareen celiyay mid ka mid ah wadayaasha baabuurta dadweynaha oo xilligaas  hakad ay galiyeen cidhiidhiga baabuurta isku soo gaadhay isgoyska gawaadhida suuqa ka tagtaa dhacdo wadada laamiga ah ee  isku xidha  Biriishka weyn iyo saldhigga dhexe halkaas oo ay ku taallo lag xoog weyn oo biyo mareen ah dirawalkan  oo lagu magacaabo Axmed Cali oo ka hadlaya xilli roobaadka iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan dadka suuqa ku ganacsada ayaa yidhi “Waddooyinkii ayaa la wada degay iyo halkii biyuhu mari lahaayeen oo guri kasta oo meherad ah oo suuqa ku yaallaa wuxuu sii hor degay guriga oo uu ka sameeyay meherad guriga leeg markaasaa hadana hortiisa la sii kireeyay taasina waxay keentay in waddooyinkii ay cidhiidhi noqdaan oo gaadiidkii iyo dadkiiba ay isugu yimaadaan halka taayirku marayo waxaa kale oo taa dheer biyihii ayaa la wada xidhay meelihii ay mari lahaayeen iyadoo aan waddooyinkana loo samayn hannaan biyo mareen ah dhibaatada kale ee jirtaa waxay tahay biyuhu hadday six or ah u socdaan arkiiba dooxa weyn ayay ku dhici lahaayeen laakiin waxaa hakad sii galiya dhammaan dadka suuqa ku ganacsadaa waxay biyaha soo raaciyaan qashinka qashinkaas oo isna biyaa sii joojiya mararka qaar ayay biyaha  isku soo gaadhaan qashin xad dhaaf ah oo aanay qaadi karayninba oo biyaha waddooyinka ku joojiya.markaa waxyaabahaas oo dhan oo qaldan ayaa loo baahan yahay in la saxo.”

Waxaa kale oo jira dad kale oo dhibaato ka sheeganayay dadka wadayaasha baabuurta oo ay sheegeen in ay si masuuliyad darro ah in ay waddooyinka xilliga roobka u dhex maraan oo ay dadka biyaha ku saydhiyaan. “Marka roobku da’o waxaa ugu daran ee aan magaalada loo dhex mari karin waa baabuurta oo aan si masuuliyadi ku jirto u socon oo biyihii wadada marayay dadka ku saydhinaya iyadoo lagaba yaabo in adoo u socda masaajidka in ay biyo aanad garanayn in ay qashin iyo nijaas wadaan iyo in ay daahir yihiin in ay kugu saydhiyaan ka dib markay xawaare xoog ah ku maraan wadada oo biyo socdaan.” Ayay tidhi gabadh ka mid ah dadweyhana aanu kula kulanay xilligii uu shalay roobku da’ayay suuqa weyn ee waaheen ee caasimadda Hargeysa.

 

Mid ka mid ah dadka ku ganacsada suuqa waaheen ee badhtamaha Hargeysa oo ah dadka wax ku dul iibiya  kaariyooneyaasha oo  aanu waydiinay sababta uu wadada ugu ganacsanayo ee uu cidhiidhiga u galiyay baabuurta,ayaa yidhi. “Horta dadkayaga waddooyinka ku ganacsadaa waxaanu nahay dadka keliya ee dhibaatada ku qaba waddada aanu wax ku iibinayno,dhibaatooyinka aanu ku qabnana waxaa ka mid ah in marba dhan naloo eryado oo tuugtu naga xado alaab badan waxaanu nahay canshuur bixiyeyaal ay dawladda Hoose ee Hargaysa subax kasta ka qaado canshuurta maalinlaha ah taasoo wiilasha canshuur uruuriyeyaasha ahi ay nagu soo kalahaan oo markay dadka waddooyinka hareeraheeda ku ganacsada canshuurta ay ka uruuriyaan ayay hadana isla dawladda hoose  nagu soo fasaxdaa ciidanka booliska ee dawladda hoose waxaanay noo geystaan tacadiyo badan oo alaabtayda way iska qaataan qofkii ay gaadhaan ee ay alaabtiisa qaataana wixii ay ka saareen gaadhiga hadhaw ma soo helo beryihii hore alaabta wuxuunbaa laga soo heli jiray ganaaxna waa nalaga qaadi jiray laakiin imika mooyaan meel ay geeyaan. Taa waxa noo raacda markaanu ka yaacno booliska in alaabtu naga qubato oo tuugtu ay gurato oo na xado,waxaanu diyaar u nahay in aanu waddooyinka banayno laakiin dawladda hoose suuq hana dejiso oo meel ha noo samayso.”ayuu yidhi Siciid Cali Ismaaciil (Siciid Shiine) oo ka mid ah dhallinayada alaabooyinka kala duwan ku dul iibiya kaariyooneyaasha ee waddooyinka ku ganacsada.

 

Faarax Muuse Cali oo dhaliisha ugu wayn u soo jeediyay dawladda Hoose ayaa sheegay in aqoon darro  badani ay ka muuqato qaabka ay u shaqayso dawladda Hoose ee Hargeysa taasoo uu ku sababeeyay waddooyinka aan biyo mareenka lahayn ee ay  lacagta badan galiyaan ee ay dhisaan oo uu sheegay in ay sabab u tahay hakadka gaadiidka ku yimi habeenadii la soo dhaafay  roobabkii koobnaa ee magaalada ku hooray. “dawladda hoose ee caasimadda aqoon darada ay ku shaqeeyaan ayuu ina tusay roobabkii labadii habeen ee ugu dambeeyay caasimadda ka da’ayay oo ahaa waliba roobab aan waynayn oo yar isla markaana aan wax dabayl iyo duufaan ah aan midna lahayn taasoo ah in waddo keliya oo ay biyo mareen u sameeyeen oo aan jirin iyo waddooyinkii oo wada noqday togag biyo mareeno ah taasoo laba dhanba dhibaato ku ah marka koobaad waddadu  noqon mayso mid sii jirta haddaanay biyo mareen daadka ka qabta lahayn, ta labaadna isu socod jiri maayo haddii roob yari magaalada helo intay waddooyinkeenu dooxyo noqonayaan markii dhibicu innagu hoorana.”.

Ugu dambayn roobkan oo muddo yar oo aan saacad gaadhayn da’ayay ayaa kala xidhay isla markaana hakad galiyay isu socodka gaadiidka taasoo ay sabab u ahayd waddooyinka badhtamaha magaalada oo daadad ka soo rogmaday qaybaha kala duwan ee magaaladu uu soo maray taasoo caasimadda ku ah dhinaato haddii sidan lagu sii jirana sababi karta in xilliyada roobabku da’ayaan in ay kala go’oonto magaaladu iyadoo  halista kale ee taa ku lammaanina ay tahay guud ahaan xadhkaha laydhka ee magaalda dul wadhan oo halsitooda leh xilli roobaadka.

Comments are closed