|

muhiimada fikirka wanaagsan By Abdirizaq Guled

marka hore waxaan idin ku salaamaya salaanta islaamka assalamu allaykum,waxay mahad balaadhani u sugnaatay allahi iisuurto galiyay in aan qoro maqaalkan ka hadlaya fikirka wanaagsan(positive attitude).
Ugu horayn waa maxay fakerku ? runtii waxa la bixiiya qeexitaano badan  qaar ka mida waxay yidhahdaan:- fikirku waa meesha uu ka samaysmo ama ka bilaabmato nolosha uu qof leeyahay,
Sidaynu wadda ogsoonahay nolosheenu waxay ka bilaabmata ama ay ku xidhantahay fikirkeena , fikirku ha ahaado mid togan(positive) ama mid tabban (negative )labbada kaad marto ayay noloshaadu maraysaa bal ila eeg sheekadan:-
Waxaa jiray nin iibiya kubadaha kuwaas oo kubbadaha laga buuxinayo hawo ama naqas deeto ay ciyaalku ku ciyaaran kubadahaasi waxay lahayeen midabo kala duwan sida caddan,madaw,cassan iyo akhtar  marka ay ibsiigoodu hoos u dhacaan waxa uu samayn jiray kubahada ayaa into neef ama naqas ka buxiyo uu hawada u sii dayn jiray si ay ciyaalku u arkaan deeto u soo ibisadan ,xaqiiqatan way  arki jireen wayna soo ibsan jireen sidaas ayuu ganacsigii dib ugu kici jiray sdaas ayuuna ku wadaaa maalinti odhan ,maalin maalimaha ka mid ah ayuu wiil yari koodhkiisa soo jiday waxuun ku dhahay adeer hadii aad mid madaw sii dayso ka waran may duulaysaana ninkii ganacsiga ayaa yidhi :-inankaygii maaha midabka laakin waa waxa gudaha ugu jira ee ay ka samaysantahay
Qofka bini’aadamka ah sidiisaba nolashiisu waxay ku xidhantahay sidii uu u fakero
Dadka guulaystay intooda badani waa kuwa u fakera xagga toggan (positive) way fakeran waxyna fakerkooda u qabtaan sidii logu talo galay
Halka kuwa guuldaraystaa ay u fakeran xagga tabban(negative attitude)  . waxaynu ogsoonahay in guusheenu ay ku xidhantahay tayyada fakerkeena
Nin ayaa u jimid philosaphorii caanka aha ee reer French (Pascal) wuxuu ku yidhi:- hadii aan haysan lahaa maskaxdaado kale waxaan noqon lahaa qof wanaagsan oo fakera  waxa uu ugu jawaaabay( Pascal):- noqo qof wanagsan waxaad yeelan doonta maskaxdayda oo kale
Haddaba fakerkeenu ma ina siiya guusheena?
Bal eeg hadii ardayku aanu u fakerayn xagga toggan (positive) si uu waxbarashadiisa u wato miyuu ahaan lahaa arday wanaagsan adigu hadii aanad shaqadaada dhinaca positiveka aha ka eegayn miyaad wadan kari lahayd miyaad noqon kari lahayd shaqaale wanaggsan
Maxaa lagu gartaaa afkaarta tabban (Negative attitude) ?
Qofka xagga xun wax ka eega ma daggana marku hadlaayo iyo mararka lala hadlaayoba ,wuxuu dareema xumaan marka uu wanaag yimaado ,waqtigiisa iyo noloshiisa wuxuu ku dhamaystaa cabasho ,wuxuu joojiyaa in uu qabto hawl hadii dad isaga ka horeeyay ay ku fashilmeen ama ay u geeriyoodeen ,
Kuma faraxsana caafimadkiisa wuxuu ku fakeera in uu bari xanuusan doona
Maxaa lagu gartaa afkaarta toggan (positive attitude)
Wuxu leeyahay awood u ku wajaho caqabad kasta o ka hor yimaada . qof kasta oo la kulma wuxu kala hadlaa farxad,caafimaad iyo dhiiri galin . qofka waxa uu kula kulmaa waji furfuran .waqtigiisa wuxuu ku qarash gareeya sidii uu noloshiisa kor  ugu qaadi laha
Haddaba sidaynu kor ku xusnay nolosheen hormarkeeda iyo hormar la’aanteeda waxay ku xidhantahay fikirkeena .
Markasta waa in aad noloshaada,mustaqbalkaaga iyo waayahagaba ka filataa wax wanagsan …..bal ka waran hadii saxiibka oo imbadan soo cararay uu ku imaado ama aad la kulanto maxaad ka fakeri lahayd tallow miyaa la eryanayaa ! tallow ma war xun ayuu ku sidaa  billu ku sidaa war fiican o uu ku bushaaraynayaa  ..dadka qaar ayaa jira in ay fishaan wax xun o wixii xumma ku dhacaan ama dad fisha wax wanaagsan wixii wanaagsanaana hela waxaa lagama maarmaan ah in aad noloshaada dhiiri galin dheerad ah iyo waliba kalsooni dheerad ah aad galiso noqo mid markasta ka fakera xagga togan oo guul fisha hawl kasta oo u qabanayo hadii kale guul daro ayaa kugu dhici ..(ha u ogaalaanin  walaw ay naftaada ha ahaate inay fikirrkaaga iyo hamigaaga hoos u dhigto ) waxa yidhi( DR ibraahim al fiqih ) alle ha u naxariiste , way fiicantahay in qofku hawaawiyo ama fakero laakin waaa muhiim ah inaad si dagdag ah u fulisho fikradaada wacan waxaa yidhii( DR ibraahim al fiqihi)……sirta guushu waa fikrado ama go’aamo sax oo aad qaadato waxaa yidhi ( Dr ibraahim al fiqihi)
(SHEEK mustaga muxumed_ waxa uudhahay:- marka aan marayno dariiqa guusha waxa aan filano ayaan helnaa  waxaa uu yidhi (Dr: ibraahim al fiqihi):- caqligeenu waa sida birlabta oo kale waayo waxaynu soo jiidana go’aamo ama afkaar wanaagsan hadii aynu xagga wanaagsan ka eegno
Allah( swt) waxaa uu dhahay adoonkayga kolba sida uu iga malaysto ayaan u aqbalaa
DR:Robert Sholar waxa uu yidhi:- awoodahaga oo dhan isticmaal ,ka bilaw meel hoose laakin ka faker meel sarre inaad gaadho
Saqraad waxaa uu yidhi:- isagoo ka hadlaya fikirka , (fikradiisa ayuu iinsanku kaga dhigi karaa caalamkiisa ubax ama qodax)
Walaalkay fikradaada ilaali waayo wa ta saamaynaysa mustaqbalkaaga  fikradu waa sidii quraarada oo kale haddi aad ilaalin waydana  way jajabi ,noloshaadana hoos bay u dhici.
Abdirizak jaama mohamud (abdirizak guleid)
abdirizakguleid@outlook.com   Hargeisa Somaliland

Comments are closed