|

Muhaajiriin ka badan 3000 ayaa 24kii saacadood ee u danbeeyay gaaray Talyaaniga

Lampedusa June 01,20149SDN/QJ)-Ciidamada badda ee dalka Talyaaniga ayaa 24kii saacadood ee u danbeeyay soo bedbaadiyay in ka badan 3000 oo ruux oo Muhaajiriin ah.

Ciidamada Bada ayaa sheegay in hawlgalo ay qaadeen 24kii saacadood ee u danbeeyay oo lagu badbaadinayo kumanaan qaxootiya ay ku soo badbaadiyeen maalin qura dad ka bada kuwii sanadkii hore oo la isku geeyay.

Muhaajiriinta ayaa ka kala soo jeeda dallaka Soomaaliya,Eretria,Syria iyo Masar waxaaney soo bartilmaansadeen xeebaha Talyaaniga.

Libya ayaa ah halka ugu badan ee Muhaajiriintu ka soo socdaalaan iyaga oo la socda doonyo aan intooda badani bed qebin.

SDN/QJ- Lampedusa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed