|

MUDUG LAYS KUMA HAYSTEE MACNE KALE AYAA JIRA!!!! W/Q: Bashiir Cali Barre

10540658_687708708027712_1652513077175356435_oMUDUG LAYS KUMA HAYSTEE MACNE KALE AYAA JIRA!!!!


Dhawaan waxaa cirka isku shareeray oo warbaahinnada soomaalida qabsaday hadal haynta iyo sheeg-sheegga qilaafka dhextaagan maamul-goboleedyada Galmudug iyo Puntland kaasoo ku saabsan sheegashada dhan walba ah ee Gobolka Mudug.
Haddaba buuqa iyo qayladhaanta ayaa bilaabatay markii bilihii 6aad iyo 7aad sannadkaan magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud lagu aas aasay dowlad-goboleedka Galmudug State.
sawaxanka ayaa daba socday qodob kamid ah dastuurka maamulka galmudug oo sheegaya ama qeexaya in xudduudka woqooyi ee maamulkaasi ay ku egtahay cirifka Nugaal xiga ee Gobolka Mudug, qodobkaasi wuxuu sababay inay ka caroodaan maamulka Puntland oo qaybta ay mudug ka maamulaan ay dastuur ahaan u sheegteen maamulka cusub ee galmudug.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘gacantii daahir ah ayaa wax daahirisa, waxaan uga socdaa sheegashada maamulista gobolka mudug oo dhammaystiran waxaa ku horeeyay Puntland illaa iyo haddana waxay ku qoran tahay dastuur-beeleedka puntland, ku darsoo dadka dega koofurta mudug hal qof oo kamid ah kama qayb gelin shirkii lagu dhisay puntland,
>maxay ku dhacday inay sheegtaan dhammaan inay maamulaan gobolka mudug??
>sideese puntland maanta uga qaylin karaan dastuurka galmudug oo ay waxka qorteen dad u dhashay woqooyiga mudug inay ku qoran tahay ‘mudug waa wada galmudug’?
Haddaba Qoruhu wuxuu aaminsan yahay in cabaadka iyo qayladhaanta puntland ay tahay mid ujeedo kale leh ee aysan ahayn mid salka ku haysa ama aan dhanna u dhaafsiisnayn dastuurka Galmudug qodob ugu qormay sababo laysla ogyahay dartood dartood:-
MAXAA SABABAY IN DASTUURKA GALMUDUG LAGU QORO INAY MAAMUSHO DHAMMAAN GOBOLLADA MUDUG & GALGADUUD?
1- In galmudug ay wada maamuli doonto caadado kama bilaaban ee waxay ahayd ajande ‘agenda’ wax badan laga soo shaqaynaayey oo juhdi badan lagu baxshay ayna qayb ka ahaayeen soomaali iyo ajaanibba soona jiitamaaysey illaa iyo xiligii lagu jiray ROADMAP-ka
2- 11/09/2011 ayey ahayd markii ballaarinta Galmudug dhiigga cusub lagu shubay laysla gartayna in dhammaan gobollada mudug iyo galgaduud loo dhiso maamul midaysan, heshiiskaasna wuxuu ka dhacay xamar waxaana wada saxiixay madaxweynihii xiligaas ee Galmudugtii yarayd Col.Caalin iyo Raisulwasaarihii xiligaas ee soomaaliya C/weli gaas oo hadda ah madaxweynaha Puntland. ”waa mas’uulka maanta la UBRINAYA (xad gudub baa nalaku sameeyay iyo waa nala gardareystay)”.
3- 28-29/07/2014 ayaa markale muqdisho lagu saxiixay in maamul dhammays ah loo wada dhiso mudug iyo galgaduud, waxaana saxiixaas ka qaybgalay maamuladii yaryaraa ee ex-galmudug, ximan & xeeb, ahlusunna iyo siyaasiyiin ka socday qaybaha kale ee labadaas gobol.
4- markii uu furmay shirkii lagu dhisay maamulkaan cusub ee Galmudug waxaa magaalada cadaado soo xaadiray dhammaan bulshada deggan labada gobol oo ay kamid ahaayeen Ergo ka yimid woqooyiga mudug oo isugu jiray Oday-dhaqameed iyo siyaasiyiin puntland xilal kasoo qabtay.
F.G. waxaa xusid mudan in Ergadii kasocotay woqooyiga mudug si garba duub ah dowladda dhexe gaar ahaan Raisulwasaare CCC uga saaray madasha shirka ayadoo loo daneynayo horjoogaha puntland kaasoo ku sanduleeyay DF inay kasaarto shirka dadka asaga ku beesha iyo deegaanka ah si uusan u waayin kursiga uu Garowe kaga fadhiyo.
4taas qodob ee aan soo sheegay ayaa gundhig u ahaa in dastuurka maamulka cusub ay ku xusnaato in mudug oo dhan ay hoostimaado Galmudug.
WAA MAXAY XANUUNKA DHABTA AH EE GALMUDUG KU HAYSAA PUNTLAND?
Sababaha dhabta ah ee maamulka puntland uga qayla dhaaminaayo maamul samaysashada gobollada dhexe waa wax uu dareemi karo shaqsi kasta oo xaaladda dhabta ah ee puntland wax kala socda, siday ila tahayna waxaana kamid ah:-
1- puntland waxay leedahay dekad waxka dhoofaan kana soo degaan haddana dadka waxka dhoofsada ama kala soo dega 70% maahan dadka deggan deeganada maamulkaasi ka arimiyo ee, waa dadka deggan deegaanada Galmudug, Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
haddii maamulka bartamaha soomaaliya uu hana qaado waxaa macquul ah inuu ugu yaraan dekad macmal ah samaysto, taasna waxay meesha ka saaraysaa 70% dhaqaalaha puntland dekadda boosaaso kahesho oo lagu daray nusqaan weyn ”50%” oo ku timaada canshuuraha laga helo isku socodka gaadiidka.
2- waxyaalaha shacbiga deggan gobollada bari, nugaal iyo qaybo kamid ah mudug lagama maarkaanka u ah ee koofurta soomaaliya looga soo dhoofiyo waxaa kamid ah khudaarta nuucyadeeda kala duwan, isla markaana wadada ay usoo maraan waa wadada laamiga ah ee dhex marta dhulka hadda maamulka cusub loo sameeyay, haddii is xagxagasho iyo xarig-jiid siyaasadeed yimaadana waxaa imaan karta in Galmudug ay xabbaddii moos, canbe ama liimo ah ee woqooyiga gaalkacyo u gudbaysa ay canshuurto lacag dhan 1$, taasna waa qatar kale oo puntland kaga imaan karta cudurka Galmudug la yiraahdo.
Waxaa diyaarshay.

W/Q: Bashiir Cali Barre

***********************************************************************************************

Shabakadda Qj/SDN, kama masuul aha wixii ka yimaadda qoraaladda lagu baahiyo, waxa eedeeda,xumaanteeda, wanaageed iyo waxkasta oo ka yimaada yeelanaya Qoraagga Qormadda iska leh. Shabakadda QQJ/SDN waxay sidoo kale dhiiri galinaysaa is weydaarsiga aragtiyaha.

Comments are closed