Mudo Kordhinta Madaxweyne Siilaanyo+ Kulanka Salaadiinta ee Salaasada iyo Dhaxalka laga Guntay
Hargeysa, 08 Feb 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), xilligii uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, mawqif adag ayuu iska taagay mudo kordhintii loo sameeyay Madaxweynihii hore, isla markaana wuxuu ku tilmaamay talaabadaa mid kelitalisnimo ah oo meel ka dhac iyo gef ku ah sharciga iyo koritaanka dimoqraadiyada.
Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ka hadalkaa arrintaa wuxuu ku cabiray waraysiyo iyo khudbado uu ka jeediyay xilligaa fagaarayaal kala duwan oo gudaha iyo dibadaba ahaa.
Waraysiyadaa waxa ka mid ahaa mid ay la yeelatay Idaacada laanta Afka Somalilaga ee BBC-du. Mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay aragtidiisa ku wajahnayd mudo kordhintaa wuxuu yidhi,“Waxaan u arkaa go’aanka [ Muddo kordhinta Xilka Madaxtooyada ] mid ayaan darro ah, waxaanuu gabal u dhacay geedi socodkii dimuqradiyada Somaliland ka hano-qaaday, waxaanuu waxyeelo aan laga soo waaqsanaynin u geysanayaa horumarkii iyo dimuqraadiyadii dalka. wuxuu bilaabay jidkii keli talisnimada iyo xoriyad la’aanta u horseedaysay ayaan u arkaa, aad iyo aadna waan uga xumay, waase go’aan dhacay”.
Wuu sii hadlay waxaanuu yidhi,“Waxa yaabka leh waxa weeyaan Golaha Guurtidu waxa uu u xil saaran yahay inuu kordhiyo ama aanu kordhin (Muddada Xilka), isaga oo sabab uga dhigaya wakhtiga ay doorashadu dhacayso inay dalka nabadgelyo darro ka jirto aanay doorasho ka qabsoomi karin. Dalka Somaliland waxa uu mar walba ku faanayay inuu haysto xoriyad, xasilooni iyo degenaasho, sababta qodobkaa loo cuskaday waa wax aan suuragalayn oo aan sharciyada iyo dastuurka aan ku jirin oo ka baxsan.Komiishanka doorashooyinka ayaa ku shuqul leh inay wakhtiga qabtaan, guddida doorshooyinku wakhti ayay u soo qabteen (doorashada Madaxtooyada), wakhtigiina way ka gudbeen. Waxaana dhaba iyo biyo-kama dhibcaana inay dawladu awoodo badan u adeegsanaysay oo ay awoodo dhaqaale ay u isticmaashay. Nabadgelyo darro aanay doorashadu ku dhacayni ma jirto, muddo kordhintaa [Guurtida] wax tallo ah oo laga weydiiyay axsaabtana ma jirto, waxaan aaminsanay in meel lagaga dhacay geedi socodkii dimuqraadiyada oo ay dhaawac weyn ku keenayso dadnimadii iyo horumarkii dalku ku talaabsanayay ama ay ummadeenu hawaysanaysay”.Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Sidaad ka war haysaan waxaan ahaa hogaamiye ka soo horjeesta korodhinta mudo xileedka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka , marka la gaadho dhamaadka muddo xileedkoodkayga, mana jirto wax iska kay bedelay, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan diyaar u ahayn in hal maalin ah la iigu darin muddo xileedkayga dastuuriga ah.”
Muddooyinkan dambe waxa soo baxaya hadalo iyo calaamado tilmaamaya in Madaxweynaha loo samayn doono muddo kordhin, iyadoo ay shantii sano ee loo doortay hoggaaminta Somaliland ku eegtahay bisha June ee sannadkan, balse Xisbiyada mucaaradka ayaa aad uga diga muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay ku baaqaan in doorashada madaxtooyada iyo Baarlamaanka lagu qabto wakhtiga loogu tallo galay oo ah 26 June 2015.
Hadaba hadalkan ayaa iminaya iyadoo maalinta salaasadaha lagu balansanyahay in madaxdhaqameed kor u dhaafaya 2000 kun oo madaxdhaqameed la isugu keeno Hotel Maansoor, si looga arrinsaddo muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.