|

Mudo Kordhin La Sameeyey Xiligii Doorashada Xaalada Madaxwayne Siilaanyo Iyo Sugitaanka Go’aanka Guurtida Ee Mudaynta Mudo Kordhinta

Hargaysa 16. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku jirtey muran dhinaca qabsoomida doorashada ah oo ay ku kala aragti duwanaayeen in doorashadu xiligeedii ku dhacdo,

Waxaana sida warar hoose oo soo baxaya ay sheegayaan in la isla qaatay in dib loo dhigo xiligii loo qoondeeyey in ay dalka ka dhacaan doorashooyinku oo ku beegnayd bisha sadexaad ee sanadkan 28 keeda.

Kulamo kala duwan oo ka dhacay Hargeysa isla markaana ay la kala yeesheen gudoomiyayaasha sadexda xisbi ergooyin ka kala socday Ganacsatada,Culimada iyo Abwaaniinta ayaa ahaa qaar la iskugu soo dhawaynaayay asxaabta siyaasada aragtida fog ee ay ku kala duwan yihiin in xiligeedii ay dhacdo iyo in kale balse ugu dambayn waxa lagu heshiiyey in mudo kordhi la sameeyo maadaama ayna dalka ka dhici Karin doorashooyin loona daayo mudaynta mudo kordhinta Komishanka Doorashooyinka oo iyagu xaq u leh,

Waxaana sida wararku sheegayaan ay asxaab ahaan isla soo hadal qaadeen in doorashada lagu kordhiyo mudo afar bilood ah oo ah wakhtiga ay suuro gal tahay in ay dalka ka curtaan roobabka GU’gu isla markaana ay dadka reer guuraaga ahi ka soo doogaan abaarta ku dhacday,

Dhinaca kale wali wax war ah ayaan laga hayn Xaalada uu ku sugan yahay madaxwaynaha Somaliland oo isagu arintani ku qaabiley aamusnaan su,aal galisay in uu caafimaadkiisu sax yahay maadaama laga wada sugayay in uu arintani go,aan adag ka qaato balse waxa aan wali meelna lagu arag madxwaynaha Somaliland Mr Siilaanyo oo aan ka hadal arintani iyada oo mudooyinkii ugu dambeeyey ay soo baxayeen warar tibaaxaya in uu dhankiisa

ku adkaysanaayo in kursiga uu ka dago sidaasina codsanayaan qayskiisu,balse xogo hoose oo ka soo baxaya aqalka madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxwaynaha somaliland xaaladiisa caafimaad ayna sidaa u wanaagsanayn taasi sababtay in uu ka hadli waayo xaaladaha kala duwan ee dalka ku soo food yeeshey.

Dhinaca kale go,aamada ay isla qaateen ergooyinka dhex dhexaadinaayey sadexda xisbi ayaa la filayaa in ugu dambayn la hor geeyo komishanka kuna dambeeyaan golaha guurtida oo iyaga la filaayo in la hor keeno waxa lagu soo heshiiyey si ay u ugu ansixiyaan se waxaan la garan Karin waxa ay ku kordhin doonaan go,aamada loo geeyey iyo in ay sida la isla qaato ugu ansixin doonaan waxaana la filayaa in dhawaan marka uu gudoomiayah guuritdu Saleebaan dalka ku soo laabto la hor keeo golaha oo ku began 19 bishan.

Comments are closed