|

Mudo Hal Bil ah oo Shirkii Golaha Wasiiradda Puntland Qabsoomi waayay iyo Sababaha keenay

Garowe 10 Sep 2015  (SDN/QJ)-Shirka golaha wasiirada Puntland ayaa Khamiista Shanaad baaqdey kasoo madaxweynaha dowalada Puntland iyo ku-xigeenkisa midna uusan ku qaban magaalada madaxda Garowe iyo Galkacayo halkasoo labada mas’uul ku kala sugan yihiin iyadoo dhowr jeer uu sababo la xidhiidha Kooram la’aan u Qabsoomi waayay Shirkaasi.

shirMaanta oo Khamiis ah ayaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland markale ku guuldareystey in golaha wasiirada isku keeno isagoo aad uga xumaadey kadib markii khamiista Shanaad koramkii buuxsami waayey.

Wasiir ku-xigeen diidey magaciisa ayaa sheegey in madaxweynaha Puntland uusan ku amrin wasiiradiisa in kulankooda Khamiis lahaa la qabto si looga hadlo howlaha kale ee dalka ka jira. “Madaxweynaha Puntland ma jecla in golohu kulmo xiliga uu ka maqan yahay magaalo madaxda sababtoo ah waa marka kaliya oo wasiiradu kaga hadlaan arrimaha xasaasiga ah ee dalka ka jira”

Dhinaca kale sarkaal ka tirsan xukuumada oo diidey magaciisa ayaa sheegey in sababta shirkaan u qabsoomi waayey ka markhaati kaceyso  in xukuumada madaxweyne Gaas dan weyn ka laheyn shaqooyinka kale ee dalka ka tagaan kuwasoo isugu jira amni iyo kuwo kale.

Waa markii ugu horeysay tariikhda Puntland ee madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa oo ku sugan dalka gudihiisa uusan qabsoomin shirka golaha xukuumada kasoo lagaga hadlo asbuuc walba howlaha dalka horyaala.

 

 

Comments are closed