|

Mudo 25 Sanno ah oo Markii u Horaysay uu Hoos u dhacay Dhaqaalaha Waddanka Shiinaha

Hargaysa, 20 January, 2016-(SDN/QJ): – Koboca Dhaqaalaha Dalka Shiinaha ayaa hoos u dhac ku yimid isagoo kobcay boqolkiiba Lix Dhibic Sagaal( 6.9) sanadkii la soo dhaafay ee 2015,Marka la barbar dhigo sanadkii ka sii horreeyay oo uu kobacu ahaa boqolkiiba 7.3,waxaanu kobocani noqonayaa midkii ugu hooseeyay muddo 25 sana ah.

Markit China Maufacturing PMI 2012-09-29 (1)Kobaca sanadlaha ee waddanka labaad ee ugu dhaqaalaha weyn dunida ayaa waxa uu la jaanqaadayay rajada dhaqaale ee caalamka.

Dhanka kale, Beijing, ayaa waxa ay rasmiyan u dajisay in kobaceedadhaqaale ee 2015 uu gaadho “ku dhawaad boqolkiiba todoba (7%)”.

Sikastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaare Li Keqiang ayaa sheegay in kobac uu heerkiisa hooseeya ay suuragal tahay in la aqbalo haddii shaqooyin cusub la abuuro.

Dadka ku xeelka dheer arrimaha dhaqaalaha, ayaa dhinacooda waxa ay sheegayaan in kobac kasta ee ka hooseeya boqolkiiba 6.8(Lix dhibic sideed) ay u badan tahay inay kaga sii darto xaaladdu.

Hoos u dhaca dhawaanahan laga dareemay suuqyada saamiyada ee Shiinaha ayaa sidoo kale waxa ay wer-wer ku abuureen suuqyada caalamka, walaacaasi oo ku aaddan xoogga dhaqaalaha Shiinaha oo ah dhaqaajiyaha ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaalaha.

Comments are closed