|

Mudo 24 Saacadood Gudahood oo Laba Qarax oo Khasaare Badan Dhaliyey ay Ka Dhaceen Magaaladda Muqdisho DAAWO

Muqdisho 13. March 2017 (SDN/QJ):- Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho, qaraxa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan Wararka ku heleyno qaraxa ayaa haleelay gaari nuuca loo yaqaan Hilux oo yaalay afaafka hore ee Hotelka Wehliye, gaariga ayaa la sheegay in uu lahaa Wasiirka Kaluumeysiga Maxamed Cumar Ceymoy , waxaana wararku sheegayaan in Wasiirka uusan xiligaasi gaariga saarneen.

Qaraxa ayaan wali la ogeyn in bartilmaameedkiisu ahaa Hotelka Wehliye iyo in lala damacsanaa gaariga uu lahaa Wasiirka Kaluumeesiga , mana jiro ilaa hada wax faah faahin ah oo masuuliyiinta dowlada ka bixiyeen qaraxaasi.

In ka badan 8-qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa ismiidaaminta ah ee ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Wehliye, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad kale oo badan kuwaa oo xarumaha caafimaadka loola cararay.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan saameyntiisana si weyn looga dareemay magaaalada Muqdisho ayaa sidoo kale bur bur xoogan gaarsiiyay goobo ganacsi oo kuyaala agagaarka Hotelka Wehliye iyo gaadiid halkaasi yaalay iyo kuwa wadada marayay.

Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Nabad sugida oo qaraxa kadib gaaray Hotelka Wehliye ayaa gurmad u fidiyay dadkii waxyeelada uu kasoo gaaray qaraxa, waxa ay sidoo kale ciidamada xireen dad la tuhmayo.

Qaraxan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii labaad ee maanta kaliya ka dhaca Muqdisho, waxaa saakay sidoo kale qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay meel ku dhaw warshada Nac naca oo ah xero ay degan yihiin ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Comments are closed