|

“Muddo Korodhsi Ma Jiri Doonto Marka La Gaadho Sannadka 2016-ka Waxaa iman doonta dawladii tan bedeli lahayd” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud

Muqdisho, 08 May 2015 (SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn bogaadiyay booqashadii uu ku yimi magaalada Muqdisho Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry, waxaana uu xusay in booqashadaas ay aheyd mid taariikhi ah oo ka turjumeysay Soomaaliyada maanta heerka ay gaadhay.

Xasan SheekhXasan Sheekh ayaa sharaxaad ka bixiyay arrimaha doorashooyinka ka dhici doono dalka sanadka 2016, waxaana uu xusay inay shardi kaliya aheyn, in deegaanada iyo tuulooyinka doorasho ka dhacaan haddii aan la gaadhi karin.“Ma aha shardi in Tuulooyinka iyo deegaanada in doorasho ka dhacaan, hadii aan la gaadhi karin magaalooyinka ka dhacayaan, ama caasimadaha ka dhacayaan, sanadka 2016 waxaa naga go’an in dalka doorasho ka dhacdo”ayuu yidhi Madaxweynaha.

Waxaanu intaasi ku daray “Waan ku celcelinay mar kale waan ku celineynaa wax kororsiimo ah ma jiraan 2016 waqtiga dowladaani markii uu dhamaado dowladii bedeli lahayd ayaa imaneysa kororsiimadu is qab qabsi ayay leedahay is tuhunbey leedahay mana dooneyno taas”ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed