|

”Muddo Korodhka Xukuumada iyo Balanqaadyadii Lagu Hungoobay” Cabdifataax Siciid Axmed (Aftax)

Qaybtii 1aad: Biyaha      

cabdifataax siciidWakhtigii uu xisbi xaakimka Kulmiye uu ahaa mucaaridka waxa aad loo xasuustaa in uu ku baaqi jiray oo uu habeen iyo maalinba ay odhan jireen biyaha dalkaan waxbaan ka qabanaynaa, sigaarana waxay u carabaabi jireen biyaha caasimada Hargeysa, sidaynu wada ogsoonahay magaalada Hargeysa in ay dad aad u yar ay helaan biyaha qasabada halka inteeda kalana ay oomanyihiin taa badalkeedana ay waraabiyaan ama ay usoo dhaamiyaan booyado ay shacabku iska leeyihiin.

Waxaa jirtay in 30 million oo dollar ay dawlada Imaaradka Carabta(UAE) ay ugu deeqday Somaliland  taasoo loogu talagalay in dib u balaadhin loogu sameeyo biyaha caasimada oo dadwaynuhu intiisa badan ay ka oomanyihiin. 2011kii ayay ahayd markii midawgaYurub (EU) ay Somaliland ugu deeqeen 27.5 million oo dollar kaas oo qorshaheedu ahaa biyogalin iyo biyo balaadhin afar magaalo oo kamid ahaa gobalada Somaliland. W axaa kaloo xusid mudan in ay jirtay 28 million oo dollar iyada  loogu talagalay mashruucii dib u habaynta iyo biyo balaadhinta Geed Deeble.

2012kii ayay ahayd markii Wasaarada Macdanta iyo Biyaha oo wakhtigaa ahayd wasaarada maamulaysay mashruucii biyo-galinta dalka oo dhan in ay cadaysay in ay hirgalindoonto 30ceel oo dhaadheer gobalada dalka.Waxaa xaqiiqa ah oo dadwaynaha Somaliland aan kaqarsoonayn sidii loo majaro habaabiyay biyihii xumbo-wayne taasoo keentay is qabqabsi iyo muran xoogan oo illaa hada meel ay ku danbaysay aan lagaranayn, waxa iyadana maskaxdaada ka baxdays awirkii rajada ahayd caasimadu sanadka 2015ka labada gacmood ayay ku wada maydhanaysaa iyada oo riyadaasi noqotay hal bacaad lagu lisay taasina waxay ina tusaysaa sidaan bulshada loo qadarinayn.

Hadaba iyadoo muddo-xileedkii ay shacabku soo doorteen xukuumad aanay dhamaatay waxaa iswaydiin mudana halkay mareen dhaqaalaha intaa leeg ee loogutalagalay in ay ku baxdo biyo balaadhintii iyo biyogalintii gobalada Somaliland?

Waxaa Xukuumadan Siilaanyo qiima riday duul calooshood u shaqaystayaala,  oo uu xaalkoodii uu kusoo ururey maxaan cunaa? ! kuwaas oo dheeftii, dha-dhankii iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka oo dhanna casnimo dhiijiyey si qarsoodi ah,ku raad ku gadasho iyo ku fooldhaqasho ah iyaga oo shirkado cusub u sameystey ama shirkado hore ujirey kula dhuuqaaya oo kula gelaaya sheerer qarsoon oo weligood Jiri doona.

Waxaa kaloo dadwaynaha aan kaqarsoonayn in ay xukuumadani ay la daristay musuqmaasuq baahsan iyadoo lagu takir falay hantidii, cashuurtii iyo dhaqaalihii loogutala galay in dib loo galiyo shacbi waynihii soodoortay.Taasina waxay iftiiminaysaa in ay jirto lunsi badan oo hantidii dadwaynaha ah. Waxay kaloo ka turjumaysaa in ahmiyadii dadwaynaha Somaliland ay u soo doorteen xukuumadan ay ku hungoobeen xukuumadan uuwakhtigeedu dhamaaday…..

 

Xoghayaha Guud Ee Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani

Cabdifataax Siciid Axmed (Aftax)

 

Comments are closed