Muddo-Kordhinta Guurtida Oo Xaraaradeedu Liidato, Mallafsigii Madaxtooyada Iyo Xisbiyada Looga Bartay Oo Maqan Iyo Sayladdii Mudaneyaasha Lagu Kala Iibsan Jirey Oo Hagaastay
Hargaysa 02. March 2017 (SDN/QJ):- Muddo-kordhinta ay xilligan golaha Guurtida Somaliland gacanta ku hayaan ee loo samayn doono goleyaasha fulinta iyo wakiillada, ayaa noqotay middii ugu xiisaha liidatay ee abid soo marta dalka, waxana meesha ka maqan xaraaraddii iyo xiisihii ay lahaan jireen kuwii ka horreeyey ee sidan oo kale loogu sameeyey xukuumaddihii kala duwanaa ee dalka soo maray oo ay xataa ku jirtey dawladda xilligan talada haysaa.
Muddo-kordhintan oo ugu yaraan muddo toddobaad ah hor taallay golaha guurtida, Ayaan haddana si weyn xaraaradeeda loo dareen sanayn, waxana ay noqotay mid ay goluhu ku caajisaan oo aan uxiiso badnayd sidii kuwii ka horreeyey oo intaanay gacantooda soo gaadhin lasii dareemi jirey, waxase jira sababo dhawr ah oo loo nisbaynyo qiime dhaca ku yimi muddo-kordhinta masiirka xukuumadda iyo midka golaha wakiilladaba lagu go’aamin doono.
Inkasta oo ay Guurtidu maalinta sabtida ah ee soo socota qorsheeyeen inay ku dhawaaqaan waqtiga rasmiga ah ee ay muddo-kordhintoodu noqon doonto, haddana intooda badani diyaar uma aha oo xiiso uma hayaan inay ka hadalkeeda iyo ka doodideeda waqti iskaga lumiyaan, maadaama oo ay meesha ka maqan tahay kala riixashadii iyo olalihii ay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridku ugu kala dheerayn jireen inay mudaneyaasha ku kala hantaan oo ay lacago ku bixiyaan sidii dhinac waliba codkooda u hanti lahaa, si miisaanku ugu ciiro meesha ay doonayaan in muddo-kordhinta lagu simo.
Muddo-kordhintan haatan gacanta Guurtida ku jira, ayaa waxa aan jirin cid xukuumadda ama xisbiyada mucaaridka ama muxaafidka ka socota oo dabada ka riixaysa, amaba xataa isku dayeysa inay muddada la kordhin doono saamayn ku yeelata, waxana ay taasi caajis gelisay mudaneyaashii ku mamay maalka umadda ee loo qadhiidhi jirey si danaha siyaasiyiinta u meel mariyaan, waxana faraha looga qaaday go’aanka muddo-kordhinta oo aan ilaa haatan la garanayn meesha uu noqon doono.
Madaxtooyada oo iyadu ahayd hay’adda inta badan bixin jirtey dhaameelka xubnaha guurtidu ku hawlgasho, ayaa muujisay inaanay wax dan ah ka lahayn muddo-kordhinta guurtida gacanta ugu jirta iyo xilliga ay noqon doonto, waxana taas raacay xisbiyada mucaaridka oo iyagu kuba faraxsan in muddo dheer lagu daro xilliga xukuumadda iyo goleyaasha kaleba loo kordhinayo.
Dufan la’aanta kasoo bilaabantay aqalka madaxtooyada ayaa caajis gelisay mudaneyaashii ruxankooda iyo hugunkooda dalka iyo dibaddaba laga dareemi jirey marka ay muddo-kordhini timaaddo, waxana ay bulshadu ku baraarugtay in wax xaraaradda muddo-kordhinta kiciyaa ay tahay shilimaadka laaluushka ah ee goleyaasha kala duwan ee dalku ku kala danaysanayaan.
Xubnno kamid ah guurtida oo golaha dhexdiisa siyaasiyiin madax bannaan kula kaftamayey maalintii shalay, ayaa muujiyey inaanay u diyaarsanayn inay ku degdegaan muddo-kordhinta miiskooda saraan, waxana ay sheegeen inaanay haynin cid wax doonaysa oo soo martay amaba ku riixday inay arrinta gudo galaan, isla markaana u cayintay waqti gaar ah oo ay muddada kordhiyaan.
Caajiska mudd-kordhinta miiska guurtida taalla ayaa noqday mid si weyn loo dareemay, waxana sababtiisa koowaad yeeshay dhaameel la’aan xagga madaxtooyada ka timi maadaama aanay jirin sabab ay xukuumaddu wakhti go’an u dalbataa, waxana soo raacday kala daadsanaan iyo diyaargarow la’aan ku jirta axsaabta mucaaridka ah oo sababtay inay laabta ka caashaqaan muddo-kordhin dheer oo ay waxa xiisaha badan u qabaan si ay doorashada ugu soo diyaar garoobaan.