“Muddo kordhin Sanad Ahi Wax Suuroobaya Maaha, Waa Baabi’in Dalka iyo Umadda ah” Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa, 03 May 2015 (SDN/QJ) Madaxweyne Siilaanyo xilligii uu mucaaridka ahaa wuxuu dagaal adag ka galay mudda kordhinta sharci darrada ah ee loo sameeyo madaxweynaha, isla markaana wuxuu ku dooddi jiray in muddo kordhintu liidnimo ku tahay hogaamiyaha.
Wuxuu aad ula dhici jiray dadaaladii qaadhaan bixiyayaashu ka gaysan jireen suuragelinta doorashooyinka, isla markaana wuxuu ku dhaliili jiray Madaxweyne Rayaale, nin go,doon geliyay dalka oo ka baxay heshiisyadii uu la gaadhay beesha caalamka iyo axsaabta siyaasada. Wasladan yari waxay qayb ka ahayd badheedhihii Madaxweyne Siilaanyo dhitada u galay xiligii uu mucaaridka ahaa, gaar ahaan waqtigii mudda kordhinta. Wuxuu diidayaa in aanuu aqbalayn waqti ka badan waqti farsamo oo xilligaa laysla qaatay. Erayga kordhin wuxuu ku fasirayaa, dal burburin sharci darro ah. dabcan waa sidaa oo muddo kordhin aan sabab lahayni ma banaana.
Hase yeeshee maanta wuxuu fadhiyaa kursigii maalintaa Daahir Rayaale ku fadhiyay. Wuu ku guulaysan waayay in doorashadii qabto, haddana waxa loo raaciyay muddo kordhin farsamo oo dhinacyaday khusaysay doorashadu, cidda dhaqaale ahaan ka saacida Somaliland iyo guud ahaan dadkuba isla qaateen. hase yeeshee, haddana waxa loo tirinayaa doonista muddo kordhin siyaasiya in madaxtooyadu ku taamayso. Hadalkiisaa hore ee muddo kordhin diidka ahina wuxuu u dhacayay sidan;
“Hawlaha socda waa ogaydeen,waxa ku jiray hawsha intii muddo ahba deeq bixiyayaasha, dunida inaga caawisa xaga horumarinta iyo geedi socodka dimoqraadiyada, doorashooyinka wax inaga tara oo dhinac ah. waxa kale oo iyana ku hawlanaa in jawi is af garasho la abuuro dad badan oo gudaha ah, waxaas oo dhan yuhuuntoodu meel bay isugu tegaysay, waxaanay naga codsanayeen in laysu yimaado xiisada la dejiyo, oo khilaafka la baabi,iyo oo meel laysugu yimaado oo laga wada hadlo. Waanu yeelay oo aanu uga waranay qodobada heshiiskaa, kaasoo dulucdiisu tahay muddadaa farsamo in la yeelo muddadaana loo kordhiyo madaxweynaha maanta jooga. Iyadoo uu doorashada dib u dhigay, oo uu xilkiisii gudan waayay oo xasiloonida dalka daraadeed aanu muddadaa farsamo u yeelay, ayaa haddana maanta markii naloo yeedhay waxa iman waayay UDUB. Waxa muuqatay Udub inay doonayaan heshiisyadii la gaadhay inay ka boodaan, maslaxadii ka boodaan, oo ku khasbeen hogaankii golaha guurtida inuu soo dhigo muddo kordhinta oo ay ugu dhuftaan muddo sanad ah oo loo kordhiyo madaxweynaha maanta jooga. Muddo kordhintaasi wax suuroobaya maaha, sharcigay ka soo hor jeedaa, maslaxaday ka soo horjeedaa, taariikhda Somaliland oo dhan bay ka soo hor jeedaa, waa baabi,in dalka iyo umadda ah. filina maayo in maanta dul qaadasho jirayso, markaa ku adkaysiga uu ku adkaystaa waa mid uun muujinaysa dareenka uu qabo oo ah inuu dalka iyo dadka baabi,iyo.”