Mudane Reer Buuhoodle ah oo ka Jawaabay Hadal ka soo Yeedhay Xildhibaan Koore
Buuhoodle 30. March 2017 (SDN/QJ):- Mid ka mid ah Xildhibaanada Magaalada Buuhoodle ayaa Jawaab ka bixiyey Hadal uu Warbaahinta Siiyay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Kaas oo Madaxweyne Siilaanyo u soo Jeediyey Sidii Cudud Ciidan iyo Siyaasad badhxan loogu geli lahaa Magaalada Buuhoodle.
“Hadalka Saleebaan Koore waxaan u arkaa turxaan beeris kale. Waxaan leeyahay xildhibaan Koore weli xal looma helin dhacdadii aad sababta u ahayd ee ka dhacday Talleex, shacabka ku dhaqan gobolkaasina wuxuu kaaga fadhiyaa inaad u caddeyso gacangelinta Buuhoodle ee aad xukuumadda u soo jeedisay.”
“Anigu ma odhanayo Talleex oo ku taalla duleedka Garoowe ayay madaxda Puntland ku laba raadleeyaan haddii aad meel tilmaamayso Talleex ayaad ka soo jeedaa. Waxaanan ku leeyahay haddii shirarkii aad ku qabatay Awr-boogays iyo Adhi-caddeeye aad wax ku weyday annagaa wax kaaga keenayna ee samir u yeello”