|

Mudane Madaxweyne Waa kugu Ceeb in aad mudo kordhintii aad diiday 2009-kii, in aad Maanta Difaacdo

Mudane Madaxweyne waxaad ahayd  ruug cadaa u soo maray hogaanka dalka dariiq dheer oo qodax badnaa, waxaad mucaarid adag aheyd  oo aad doobinaysay mudo 8 sanadood ah, waxaad u samirtay oo aqbashay 3 mudo kordhineed oo sibirta isku hayey, kadibna waxaa ku sharfay oo cod aqbaliyad  51% ah kuugu codeeyey oo kugu doortay dareenkooda iyo ikhtiyaarkooda shacabka reer Somaliland. Waxaana shacabka JSL ay kaa filanayeen in aad u fuliso Dhaartii uu ku faray qodobka 129-aad ee Dastuurka qaranku, kaas oo aad kitaabka quraanka ugu dhaaratay shacabka JSL in aad sinaan iyo cadaalad ku dhaqdo oo Dastuurka raacdo. Waxaa shacabka JSL kaa filanayeen hogaamin ( leadership) iyo waaya aragnimo ku saleysan aragti dheer iyo karti buuxda.

Mudane Madaxweyne, Waxaa lagaa filanaayey in aad la timaado curin hor leh, hal-abuur, hufnaan, odorosyo iyo aragti dheer oo cokan. Maa daama aad aheyd Siyaasi guun ah, waxaa lagaa filanaayey in aad falkiso oo kobciso hanaanka dimuqraadiga curdinka ee JSL. Waxaa lagaa filanaayey ujeedooyin huwan dherer, dhumuc, naq iyo nuxur lagu guuro , lagu nagaado, lagu doogsado oo lagu diirsado.Mudane Madaxweyne Malaa-waad ilowdee, Waxaa loo doortay nidaamka Dimuqraadiga ah in hogaanka dalka lagu bedelo mudo kooban oo 5 sano ah doorasho xor ah oo xalaal ah si shacabka JSL ugu ciil baxaan fartooda, foodkooda, dareenkooda iyo garashooda.
Mudane Madaxweyne waxaad isku xeertay oo hawshii  dhabqiyey, duul aan kala garaneyn hantida qaranka, awooda qaranka iyo shuruucda qaranka.
Waxaad isku xeertay duul xuuraaminaayo uun xukun dheeraad ah, xilal dheeraad ah iyo xoolo aan bireysneyn oo booli ah. Waxaad isku xeertay duul heerkulka hiilka qabyaaladeed uu meel xun gaadhay kuwaas oo shaqaalahoodii iyo shacabkiiba ku dhextuuray xiqdi iyo xajiin xaafadeysan. Waxaad isku xeertay duul deman oo dilaaliin ah kuwaas oo hantidii maguuraanka aheyd ee qaranka ka yeelay ku daneyso, ka daneyso, kula lihi iyo kaa lihi.
Mudane madaxweyne Markii masiirkii shacabkii ku dooratay aad muraayad madow ka gashatay ayaa hawl-wadeenadaadii jebiyeen gebiyadii iyo sohdimihii dawladnimo, milgihii iyo maamuuskii masuulnimo kadibna waxaa meeqaamkii dawladnimada JSL ku danbeeyey Bra-takool la’aan, burji-la’aan iyo buruud la’aan. Mudane Madaxweyne waxaa shacabka JSL xusuustooda iyo quluubtooda ku duugan oo murugo ugu filan sidii ay xukuumadaadu ka yeeshay
foodkoodii iyo ilaadadii codkooda Doorashadii Golayaasha degaanka ee dalka ka  dhacay 28/11/2012.
Mudane madaxweyne maanta Shacabka reer Somaliland waxay is weydiinayaan , Talow madaxweynuhu miyaanu aheyn Ahmedkii 80 ka cod kursiga madaxnimada kaga tanaasulay ?  Muxuu uga tanaasuli Waayey 5-ta bilood ee muranku ka taagan yahay? hadiiba sanad iyo badh kale loo kordhiyey? Mudane Madaxweyne Dalkan iy dadkan dumadaada saarani maanta uma baahna Dulmi iyo Dibin-daabyooyin danbe oo nabada khal-khaliya ee waxaa maanta lagaaga fadhiyaa in aad qaadato go’aan adag oo hogaamineed oo taariikhda kuu gala, kaas oo aad ku soo afjarto khilaafka mudo kordhinta doorashooyinkan isbarkan ee ay guurtidu mugdiga iyo mad-madowga gelisay.Mudane Madaxweyne Shacabkii Sharafta kugu doortay sharaf ugu qabo doorasho xor ah oo xalaal ah.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
Londo

Comments are closed