|

” Mudane Madaxweyne Hadaan dilalka dalka ka dhaca la Fulin Ma suuroobayso in bulshadu nabad ku wada joogto” Hooyada dhashay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo Fariin Toos ah Madaxweynaha u dirtay DAAWO

Hargaysa 06.April 2015 (SDN/QJ)- Hooyada dhashay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaale oo Sannadkii aynu soo dhaafnay Si naxariis daro ah loogu dilay Magalada Hargaysa Isla markaana lagu dhex aasay Gurigii lagu dilay ayaa Baaq adag u dirtay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ay Xasuusisay inuu Dareensanaado dareenka Mas’uuliyadeed ee uu dusha ku qaaday Waxay Tilmaantay in hadii dilalka dhaca Xukunadooda aan loo fulin Sida ugu haboon, in aanay Bulshadu nabad ku Wada joogayn, Dilalkuna noqonayaan Wax fudud,Sidoo kale Waxay Madaxweyne Siilaanyo u sheegtay in Nidaamka Cadaaladeed ee Somaliland ay dheg Xumo ku tahay in aan Weli wax talaabo ah laga qaadin dadkii gaystay falkii foosha xumaa ee inanteeda Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle sida naxariista daran u dilay.


Dilka Maruumad Ruqiya Siciid Ayaanle ayaa dhacay dabayaaqadii Bishii Feb ee Sannadkii tegay ee 2014 kaas oo naxdin ku abuuray dhamaan shacabka Somaliland Xukuumada Somaliland ayaa Xiligaas sheegtay inay Cadaalada sida ugu dhakhsaha badan u horkeenayso kuwii fuliyay gabood falkaas, Natiijada ka soo baxdana dhakhso loo dabaqi doono.

Comments are closed