Mudane Katirsan Golaha Deegaanka Berbera Oo Ka Hadlay Fadeexaddii Dhawaan Ku Qaraxday Maayarka Berbera
Berbera:Aug,15,2015(SDN/QJ)- Maxamed Cali Dheere oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera, ayaa faahfaahin ka bixiyey Fadeexaddii dhawaan ku qaraxday Maayarka Magaalada Berbera, taas oo la xidhiidhay in mashruuc laba boqol iyo Siddeetan kun oo Doollarka Maraykanka ahi ku baxayso oo la siiyey Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo Guddoomiye u ah Guddiga daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, kaasoo la sheegay inuu ku dhiraynayo Berbera.
Xildhibaan Maxamed Cali Xaaji Axmed (Ina-Cali-dheere), ayaa Shir Jaraa’id oo uu Jimcihii maanta ku qabtay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa sheegay inay sharci-darro tahay in lacag dhan laba boqol iyo sidddeetan kun oo Doollar oo afartan kun oo doollar oo horumarin u ah Mashruucaas Jeegga uu ku qornaa fashilay, isla markaana sababay in Maayerka Berbera Cabdishakuur Cidin uu xilka ka qaado Xisaabiyihii dawladda hoose ee Berbera Cabdikhaaliq Awal Bari.
Waxa uu Xilhibaan Maxamed Cali Dheere sheegay in la sheegay in dhirta laga beerayo Berbera ay tahay dhamas, isla markaana ay dhamastu sida Tiinka geedka la yidhaahdo oo kale uga baxdo Berbera, waxaanu sheegay in sharciga dawladaha hoose ee dalku dhigayo inaanay bixin karin 12 Milayan oo Lacagta Somaliland ah wax ka badan. Balse aanay bannaanayn in 280,000 kun oo Doollarka Maraykanka ah la yidhaahdo dhir Illaahay ka beero Berbera ayaa cid lagu siinayaa oo lagu bixinayaa.
Fadeexaddan ayaa qaraxday markii Jeeg ay ku qoran tahay lacag dhan saddex Boqol oo Milyan oo Shilinka Somaliland ah, isla markaana ku qoran yahay Guddoomiyaha Guddiga ilaalinta Hantida Qaranka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo Obama lagu naanayso uu si qalad ah u raacay nin Ganacsade ah oo Jeegag lacageed ka qaatay Waaxda Maaliyadda dawladda Hoose ee Berbera, kaasoo markuu arkay in Jeeg Qalad ahi la socdo Jeegaggiisa dib ugu celiyey Jeeggaas Waaxda Xisaabaadka ee uu ka soo raacay, balse uu Maayerka Berbera Xabsiga u taxaabay habeenkii khamiistu soo galaysay, inkasta oo dammaanad lagu siidaayey isla habeenkaas-ba.
Haddaba, Xildhibaan Maxamed Cali Dheere oo si adag uga hadlay arrintan, isla markaana kashifay fadeexadda Musuqmaasuq ee ay ku kaceen Xildhibaan dillaaliin ka ahaa Mashruucaas oo ka kala tirsan Golaha Deegaanka Berbera, Golaha Wakiillada Somaliland, Maayerka degmada Berbera iyo Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo Lacagtan loogu qoray Mashruuc, balse si musuq ah ku helay lacagtaas iyo laaluush ahaan sida la sheegay, waxaannu halkan hoose idiinku soo gudbinaynaa Warbixinta Warkiisa ee ka daawo muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo Habeenkii Khamiistu soo galaysay Wargeyska Himilo khadka Taleefanka wax kaga weydiiyey waxa ka jira arrintaas isagoo Berbera ku sugan, ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo warkan, isla markaana ku dooday inaanu waxba ka ogeyn warkaas iyo lacagtaas toona.
Balse waxa cad inay arrintani Golaha Wakiillada iyo Guddiga uu Guddoomiyaha u yahay ee daba-galka hantida Qaranka fawaaxish iyo fadeexad ku tahay arrintani, sidoo kalena ay sidaa si la mid ah ugu tahay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahan Duqa Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) iyo Xildhibaannada Golihiisa ee hawshan qaybta ka ahaa
SDN/QJ