Mudane Katirsan Baarlamaanka Federalka Oo Sucuudiga Ka Dalbaday Inay Bixiyaan Mag-dhawga Shacabkii Soomaaliyeed ee Diyaaradihiisu ku laayeed Gudaha Yemen
Muqdisho:May,03,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, an Gudoomiye Ku Xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa ugu baaqay Dawladda Sucuudiga inay magdhaw ka bixiso ugu yaraan 40-Qof oo soomalida waddanka yemen ka qaxaysay ahaa oo axaddii lasoo dhaafay ay diyaaradaha Sucuudigu duqayn ku laayeen.
Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa, ayaa wuxuu Dowladda Somaliya uu ugu yeedhay inay xidhiidh la sameyso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo laga duulaayo bixinta makta Soomaalida badan, ee lagu dilay dalkaasi.
“Dowladda Somaliya waxaa laga rabaa inay la xidhiidho Dowladda Sacuudiga, si ay ugala hadasho in ka badan 40 qof oo Soomaali ah, oo toddobaadkii hore lagu dilay duqeymo ka dhacay dalka Yemen.” Ayuu yidhi Gudoomiye Ku Xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Somaliya.
“Diyaarad ayaa duqeysay baskii ay la socdeen dadkaasi, Dowladdu waa inay weydiisataa in Sacuudigu uu mak-dhow ka bixiyo shacabka Somaliyeed ee dalkaasi lagu dilay. Anagana waan ku dadaaleynaa sidii Xukuumadda ay Sacuudiga ugala hadli laheyd.” Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.
Mudane Dalxa Waxa uu intaa ku daray “Inkastoo Dowladda Somaliya ay dadaalo wado, hadana dadka dhibaatada ugu badan qabo waxay noqdeen dadka Somaliyeed ee dalka Yemen ku sugan.”
Arrinta ay dadku isweydiinayaan, ayaa waxay noqotay iyadoo aanay Dowladda Somaliya wax war ah ka soo saarin Boqolaalka ruux ee Somalida ah, ee lagu dilay duqeymaha ka dhacay Yemen.
SDN/QJ