Mudane Ibraahin Mahdi Buubaa oo Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay Luuqada uu ku Qoro Wareegtooyinka Magacaabista
Hargaysa 06.July 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka tirsan Golaha wakiillada Somaliland, isla-markaana Afhayeen u ah Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa si kulul u dhalliilay in madatoyada Somaliland markale dib u soo celiso wasiir Hore looga qaaday xilkii uu qaranka u hayey.
Waxa uu Xildhibaan Buubaa sheegay inaanu Madaxweyne Siilaanyo ka war haynin waxa ku qoran Dekreetooyinka madaxtooyada ka soo baxa, maadaama ay Haatan dhacday in nin dhawaan xilkiisa Hanan kari waayey markale dib loo magacaabo, isla-markaana lagu qoro Dicteetada ku magacaaban inuu xilkan hanan karo.
“Waa wax caadiya oo Qofka waa la magacaabi karaa laakiin, waxa meesha kujiraa waxey tahey mudo ka hor ayaa masuulkan la magacaabay laga qaadey xilka Wasiir/kuxigeenka Waxbarashada,digreetadii xilka lagaga qaadeyna waxa lagu soo qorey kadib markii uu kasoo bixi waayey xilkii loo igmadey,waxaanu garaney in aanu xilkii ka qaadno Bulshada iyo Shacbiga Somalilandba wey garan karaan,tan lagu magacaabeyna waxa ku qoran kadib markii aanu aragney kartidaada hufnaantaada iyo daacadnimadaada,iyo waxqabadkaaga waxaanu garaney inaanu kuu magacowno Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha,magacaabista iyo xilkaqaadista midna ka hadli mayno laakiin waxa weeyi Mushkilada meesha taalaa qasrigii looga talinayay Madaxtooyada Somaliland, marka ay mudo gaaban oo wakhtigaasi u dhexeeya marka ay hal shakhsi labadaa Wareegto ee midna dhaliisha tahey midna amaanta tahey kasoo baxdo,su,aasha meesha taalaa waxey tahey sidee mujtamacu u fasiran karaa waxa loo fasiran karaa marka layidhaa shaley markaad Wasiir/kuxigeenka aheyd waanu kugu aamini weynay xilkii, maanta waxaanu aragney Waxqabadkaagii anaggu waxaanu u aragnaa Xisbi ahaan in arintaasi tahey, arin xaqiiq ka ah talada qaranka cida haysa hogaanka qarankani marxalada uu marayaa halka ay taagan tahey iyo nooca ay taheyba,waa qiimayn dhameys tiran iyadaa is fasirtey,anagu waxaanu leenahey bal eega digreetadii shaley kasoo baxdey iyo tan maanta,indhaha u fura oo arka,macnaha meesha kujira eega oo dhadhamiya”Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.
Cali xaamud jibriil, wasiirka cusub ee xidhiidhka Golayaasha iyo Technology-yada, ayaa muddo ka hor laga xayuubiyey xilkii uu ka hayey wasaaradda Waxbarashada oo ahaa Wasiir-ku-xigeen.
Hargaysa SDN/QJ