|

Mudane Hore Uga Tirsanaa Baarlamanka Somalia Oo Muqdisho Lagu Dilay

Muqdisho:July,08,2014(SDN/QJ)-Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, ayaa goor dhaweyd lagu dilay Mudane hore uga tirsanaan jirey Barlamaankii Dawladii Ku-meel-gaadhka ahayd ee madaxweyne Sheekh Shariif.

???????????????????????????????Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Badadi, waxana toogtay Koox ku hubaysnayd Baastoolado  oo aan Habytooda la aqoon.

Dilka Mas’uulkaasi ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir, waxaana dilkaasi ka warbixintiisa ka gaabsaday Maamulka Degmada waxaana la sheegayaa in iminka Degmadaasi uu ka socdo Howlgalo lagu baadi-goobayo dhalinyaradii dilka geysatay oo gaadheysa illaa Saddex ruux.

Dilka Ex. Xildhibaan Cumar Bagadi ayaa waxa uu daba socdaa Dilal kala duwan oo maalmihii lasoo dhaafay ka kala dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho laguna beegsanaayay Mas’uuliyiin iyo Ciidamo ka tirsanaa Dowladda.

 

SDN./QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed