Mudanayaasha Wakiillada oo meel-mariyay Odoroska Miisaaniyada 2012-ka
Hargeysa, 03, April 2012 (SDN)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta cod ku meel-mariyay odoroska Miisaaniyada qaranka ee sannadka 2012-ka.
Golaha Wakiillada oo maalmihii u dambeeyay ku guda jiray doodad Miisaaniyada ayaan wax-ka-bedel iyo kaabis midna ku samayn Miisaaniyadaas, isla markaana sideedii ku meel-mariyay, iyadoo miisaaniyadanina ah tii ugu badnayd ee soo marta dalka.
Fadhigii saaka oo ay ka soo xaadireen 56 mudane waxa cod gacan-taag ah ku ansixiyay 36 mudane, waxa diiday, isla markaana fadhigii golaha dibada uga baxay 19 mudane, kuwaasoo ka cawday kharaad iyo cashuuro dheeraad ah oo ku jira miisaaniyada, waxa diiday hal mudane.
Miisaaniyadan ayay mudanayaasha ka soo horjeeda ansixinteedu ay ku dooddayaan inay ku jiraan cashuuro ay wasaaradda Maaliyadu kordhisay.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa Xukuumadda ugu baaqay in wixii imika ka dambeeya ay miisaaniyada Golaha u soo gudbiso bisha ugu horeysa ee sannadka, waxaanu ku booriyay in hay’adaha aan sharcigoodu dhamaystirnayn la dhamaystiro.
SDN, Hargeisa Somaliland