|

Mudanayaasha Wakiillada oo loo qaybiyay laba Xeer iyo fasax kooban oo Goluhu galay

Hargeysa, 11, Mar 2012 (SDN)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta loo qaybiyay laba Xeer oo kala ah wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka Biyaha Qaranka iyo Xeerka Nabadgelyada Wadooyinka.

Fadhigii maanta oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa labadan Xeer oo uu Madaxweynaha Somaliland dib ugu soo celiyay Golaha si ay waajibaadkooda uga gutaan, wax-ka-bedel iyo kaabisna ugu sameeyaan.

Dhinaca kale, Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa galay fasax hal todobaad ah, iyagoo dib u bilaabi doonaa fadhiyadooda maalinta sabtida ee todobaadka dambe.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed