Mudanayaasha Wakiillada oo Ansixiyay Xeerka Baanka Dhexe
Hargeysa, 24, Mar 2012 (SDN)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa saaka cod aqlabiyad ah ku meel-mariyay Xeerka Baanka dhexe ee dalka, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay horyaalay Golahaas.
Fadhigii saaka oo uu shirguddoominayay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa madasha fadhiga ka soo xaadiray 64 mudane, waxaana ogolaaday ansixinta Xeerkaas 61 mudan, hal mudane ayaa diiday, waxaana ka aamusay 2 mudane. Sidaas ayaanu ku ansaxay Xeerka Baanka dhexe ee dalka.
Xeerkan Baanka Dhexe oo ay soo hoos galayaan Xeerarka baanka Islaamka iyo hirgelinta Baanan gaar loo leeyahay ayay in badan Bulshadu ka sugaysay Golaha inay meel-mariyeen.
SDN, Hargeisa Somaliland.