Mudanayaasha Guurtida oo Ansixiyay Ajandahooda
Hargeysa, 25, February 2012 (SDN)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyay ajandaha kal-fadhiga 46aad, kaasoo ka koobnaa lix qodob.
Fadhigii maanta oo uu shirguddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Nuux Furre waxa madasha ka soo xaadiray 44 mudane, waxaana ogolaaday ajandahaas 36 mudane, waxa diiday 4 mudane, waxaana ka aamusay saddex mudane, guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay ajanda kal-fadhiga 46aad ee Golaha Guurtida.
Qodobada uu ka kooban yahay Ajandaha Kal-fadhiga 46aad ee Golaha Guurtida:
1- Warbixinta Shirguddoonka
2- Warbixinta Guddida Joogtada ah
3- Siyaasadda Arrimaha iyo Gudaha
4- Nabagelyada iyo horumarinteeda
5- Xog-wareysiyo lala yeesho Wasiirrada
6- Xeerarka Golaha Wakiilladu u soo gudbiyeen Golaha
SDN, Hargeisa Somaliland