Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Kasoo Hor Jeestay Hindise Sharciyeed
Muqdisho March 10 2013 (SDN)— Kulan maanta mudanayaasha baarlamaanka ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka kaasi oo ahaa fadhiga 6 aad wajigiisa 2 aad ee kalfadhiga barlamanka soomaaliya uuna shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka 1 aad ee barlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa waxa soo xaadiray 147 xildhibaan.
Kulanka ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa ka doodista hindise sharciyeed ay soo bandhigtay wasaarada garsoorka cadaalada iyo arimaha dastuurka ayaa firitaanka kulanka kadib waxaa hadal kooban jeediyey wasiirka garsoorka cadaalada iyo arimaha darstuurka C/laahi Abyan Nuur oo ay garab taagnaayeen labadiisa wasiir ku xigeen, ayadoona wasiir ku xigeenka wasaarada garsoorka Xasan Max’ed Jimcaale kulanka uu ka aqriyey hindise sharciyeed ka turjumayey hab dhismeedka garsoorka sare ee dalka.
Intaasi kadib shir gudoonka baarlamaanka ayaa dood u furay xildhibaanada, ayagoona xildhibaanadii soo xaadiray kulanka badankood ay dhaliileen habka ay wasaaradu u soo diyaarisay hindisaha.
Wasiirka wasaarada garsoorka C/laahi Abyan Nuur ayaa dhliisha hindisaha kadib sheegay in uu la laabanayo hindisaha uu maanta hor keenay baarlamaanka dib u eegisna ku sameyn doonto wasaaradiisa.
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa u cuskaday dib ugu celinta hindisaha sharciyeed ee wasaarada garsoorka iyo cadaalada ay soo diyaarisay in uu khilaafayo labo qodob oo ka mid ah dastuurka dalka oo kala ah qodobka 111 aad iyo 109 aad.
SDN-Muqdisho