Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia Oo Markale Ra’isal wasaare Sharma’arke Ka Nixiyey Iyo Niyadjab Cusub Oo Aloosmay
Muqdisho:Jan,27,2015(SDN/QJ)-Mudanayaal tiro badan oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Somalia, gaar ahaan Garabyada Awoodda badan ee la baxay Badbaadinta Qaranka iyo Toosinta Talada Qaranka, ayaa markale digniin u diray Ra’isal Wasaare Sharma’arke oo ku jira Gebogebada Xukuumadiisu cusub.
Mudanayaashan oo shalay shirk u qatay Hutel Muqdisho ku yaalla, ayaa ku dhawaaqay inaanay aqbalayn inuu Ra’isal wasaaruhu dib usoo celiyo Xubnihii wasiirrada ahaa ee dhawaan qalalaasaha siyaasadeed dalka geliyey, waxana ay Ra’isal wasaaraha ugu baaqeen inuu ixtiraam u muujiyo Baaqoodii dhawaan ay u direen ee kadhanka ahaa Golihii wasiirrada ee uu dhawaan dib ula noqday.
Mudanayaashan shalay hadlay oo Laba Kudladood ka kooban ayaa waxay sheegeen inay ka war heleen in xubno ka mid ah Wasiiradii hore dib loo soo celinayo, iyadoo cadeeyay in hadii Wasiiradiisa dib loo soo celiyay aanay codka kasloonida siin doonin Xukuumada la soo dhisayo.
Ra’isal wasaare Sharma’arke, ayaa lagu wadaa inuu dhawaanahan magacaabi doono Xubnihiisa Wasiirrada,iyadoo ay u badan tahay inuu soo celiyo Wasiiradood hore, kuwaasoo qaarkood laga yaabo in Wasaaradaha loo kala bedelo.
Hase ahaatee Xildhibaanadan ayaa si gaar ah waxay uga doodayaan in aanay marnaba aqbali doonin Wasiiradii hore horseedka uga ahaa ridistii labadii Xukuumadood ee Saacid iyo C/wali Sheekh in aan lagu soo darin Xukuumada soo socota.
SDN/QJ
timo@qurbejoog.com
Contact@somalidiasporanews.com