|

Mudanayaal, Madax-dhaqameed & Dhallinyaro Baaq ka dhan Maamulaha Kastamka Saylac u diray Wasiirka Maaliyadda

Lawyacaddo, 16 January, 2016-(SDN/QJ): – Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac,  Odayaal-dhaqameed iyo Dhallinyarada ku dhaqan Magaaladaas, ayaa Xukuumadda Somaliland ka codsaday inay tallaabo ka qaaddo Maamulaha Kastamka Saylac Cabdirisaaq Aadan Yuusuf oo ku magac dheer (Faysal Dheere) oo ay ku eedeeyeen Maamul Xumo iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin kala furfur Ummadeed.

Shir-jaraa’id oo ay Shalay ku qabteen Magaalada Saylac, ayay ku sheegeen In Maamulaha Kastamka Saylac ku hawlan yahay kala furfurka dhallinyarada deegaankaas, iyagoo ku eedeeyay inuu hawlaha noocaas han u isticmaalayo dakhliga Kastamka uu masuulka ka yahay.

“Waxaanu ka cabanaynaa Maamulaha Kastanka Saylac, waayo? waxa uu furfur, tafaraaruq iyo qoryo isugu-dhiib ka dhex wadaa dhalinyaradii deegaanka, waxaanu ka dhex abuuray Qabyaalad” Sidaa waxa ku dooday Axmed Cabdi Habane oo ka mid ah Dhallinyada Shirka jaraa’id ka hadlay.

Sidaa si la mid ah waxa isaguna sheegay Siciid Cabdiraxmaan Cilmi, waxaanu yidhi, “Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam ayaan la hadlayaaye, Maamulaha Kastamka Saylac, Tuuladii Lowyacaddo ee aanu Nabadda ugu noolayn, carqalad iyo isku dhac joogto ah ayuu ku hayaa, waxa uu naga dhex sameeyaa kooxo-kooxo iska soo horjeeda oo uu mid walba rabo in uu danihiisa shaqsi u isticmaalo. Baaqyaga u dambeeyaa waxa weeyaan oo aanu rabnaa  in wax laga qabto Faysal-dheere oo dhagaha loo furo.”

Caaqil Saleebaan Aadan Axmed Timacade oo isaguna hadalka qaatay, ayaa yidhi “Waxaan cambaaraynaynaa in 30/12/2015kii  uu Maamulaka Kastanka Saylac Lawyacado ka abaabulay kuna qabtay shir beeleed labo beelood kulmiyay. Ajandihiisu wuxuu ahaa iska horkeen, haddii aanu nahay Cuqaasha Gobolka Selel, waxaanu sheegaynaa in arintu faraha ka baxayo oo aan dhalinyarada wixii iintaa ka dambeeya la xakamayn Karin, waxaas oo mushkilad ahna waxa u aabo ah waa Faysal-dheere.”

Xildhibaan Maxamed Daahir Camir oo ka mid ah Golaha Deegaanka Saylac, ayaa fariin u diray Xukuumadda waxaanu yidhi “Waxaan baaq u dirayaa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka oo aan leenahay Madaxwayne arinta aan ka hadlayno wax ka qabo, waa arintii aan 2014kii markii aan kula kulanay kuu sheegnay ee aan ku nidhi wax ka qabo, imika ayaan mar kale baaqii ku celinaynaa oo aan idin leenahay wax ka qabta.  Haddii aad Selel ka maaranteena noo sheega.”

Ganacsade Muxumed Axmed Dhimbiil, ayaa isaguna sheegay, “Waxaanu ka doonaynaa Wasiirka Maaliyadda inay soo dirto Guddi baadhiseed oo nala aragta waxaanu sheegayno ee aan ka cabanayno, fidno hurudda ayuu Ninkaasi kicinayaa, ee Marwooy (Wasiirka Maaliuyadda) inta aanay kicin fidnadu ayaan kaa codsanaynaa in aad wax ka qabato.”

Comments are closed