|

Mudanayaal ka Tirsan Golaha Wakiilada oo Xaaraan ku Tilmaamay Cashuuraha lagu soo rogay Saxaafada Madaxa Bannaan Daawo

Hargaysa 25.Nov 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaanno ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland,ayaa sharci darro ku tilmaamay cashuurta lagu rogay warbaahinta madaxa bannaan.

mudanayaasha-wakuu-273x300Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa,ayaa dhammaantood sheegay in ay sharci darro tahay qaadista cashuur aan golaha wakiiladu sharciyayn.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo arrintaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.

“Dee Cashuuraha Xukumaddu way soo jeedisaa haddii Cashuur cusub la xalaalaynayo, markaa Cashuur aan goluhu ansixin waa sharci daro.Cashuurtu way kordhin kartaa Cashuur laakiin waa in Golaha la keeno oo la xalaaleeyo”

Sidoo kalena Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa ka hadlay Arintan waxaanu yidhi “Takaaliif ama Cashuur aan Golaha Wakiiladu ansixini waa Qayrul sharci.wax anaga na soo maray maaha, wax jirana maaha, wax lagu camal falayana maaha. Cashuuraha waxaa soo rogta Wasaaradda Maaliyadda, waxaana ansixiya Golaha wakiilada. Anaga haba yaraatee Cashuurahaas la sheegayaa nama soo marin, wixii aan na soo marina Sharci maaha. Waxaan Xukumadda ka codsanayaa inay Xukumaddu Shuruucda dhawrto, waxaanan arintaas u arkaa Caddaadis iyo Cabudhis Warbaahinta lagu hayo”

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay talaabooyinka xukumaddu yihiin caddaadis warbaahinta madaxabanaan la saarayo “ Cashuuro ama Takaaliif xeer jideeyay aan la garanayn ama xeer Goleyaasha xeer dejinta ka soo baxay aanu jidayn suurto gal maaha in Wasiir digreeto ku soo saaro, suurto galna maaha in Umadda culays lagu dul saaro. Waxaan u arkaa uun Cashuurahan Culays siyaasadeed oo Xukumadda talada haysaa doonayso inay warbaahinta Madaxa banaan ay saarto oo ay ku cabudhiso oo ay iyadu iswada hoos keento, arintaanisana ma shaqaynayso.

Saxaafaddu waa  tiirka afraad ee Qaranku ku taagan yahay, Aduun ay ka helaana ma jirto, mutadawacnimo ayay ku shaqeeyaan, Xarumaha, Shaqaalaha Kamaradaha sita ee goob walba taagan,Ateenooyinka dhamaan kharashka ku baxa waa mid ay jeebadahooda si gaara uga soo saaraan ee wax faa’iido ah oo ay ka helaan ma jiro” Ayuu yidhi XIldhibaan Buubaa.

Comments are closed