Mudanayaal ka Tirsan Golaha Deegaanka Boorama oo ku eedeeyay Gudoomiyaha Awdal Mid Huriya Khilaafka Gobolkaas
Boorama 14.Jan 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka Degmada Boorama ayaa Guddoomiyaha Gobolka Awdal Cabdo Axmed Aayir ku eedeeyay in aanu daacad ka ahayn khilaaf u dhexeeya Golaha deegaanka Boorama.
Xildhibaanadu waxa kale oo ay sheegeen in Mooshinkan ka dhan ah Maayarka Boorama oo ay dib u soo cusboonaysiiyeen uu ka dhaqaaqi la’yahay dhinaca Guddoomiyaha Gobolka Awdal “Waa la yaab dhaqanka sharciyada fulinteeda ka dhanka ah ee uu la shir yimid Badhasaabku, ma rabo in ay hawli ka dhaqaaqdo degmada, maantana waxa uu la saftay dhinac, isaga oo doonaya in aan sharciyada la fulin, qaska iyo buuqa ka aloosan D/Hoose ee degmada Booramena isaga ayaa qayb ka ah, khilaafka ka jira gudaha D/Hoose waxa ay ahayd in uu ka gar naqo, mase yeelin sidaas, waxa uu damacsan yahayna garan mayno, waa masuulkii sharciyada fulin lahaa, waxase uu noqday mid dhag kaliya leh, oo Maayarka uu maqlaya, kuna daawanaya dayacnaanta D/Hoose, hogaan xumada, musuqmaasuqa iyo xiisadaha uu ka wado degmada” Sidan waxa yidhi xildhibaan ka mid ah xildhibaanada golaha degaanka ee Boorama.
Boorama SDN/QJ