|

Mudaharaadkii Ka Dhacay Magaaladda Burco oo Hal Qof Ku Geeriyooday,Tiro kale oo Dhaawacmay iyo Xaalada Magaaladda oo Degen!!

Burco 16. November 2017 (SDN/QJ ):-Mudaharaad rabshado wata ayaa Galabta Saacadu markay ahayd 5:40 Daqiiqo ka dhacay Magaaladda Burco kaas oo uu hal qof ku dhintay tiro kale oo isugu Jirta dad shacab ah iyo Ciidanka booliskuna ay dhaawacyo ka soo gaadheen.

Rabshadahani Waxay ka danbeeyeen kadib Markii Ay Xubnihii Xisbiga Waddani U Qaabilsanaa Komishanka Doorashooyinka Ay Tageerayashooda Warbaahinta U Mariyeen In Cabasho ay Tirsanayeen uu Komiishanka Doorashooyinku waxba ka qaban waayay.

Dhalinyaradani Rabshadaha sameeyay Ayaa Wadooyinka Magaaladda Ku Gubay Taayiro Sida ay Weriyeyaashayadu noo Xaqiijiyeen Waxaa kale oo Mudaharaadayaashu ay Khasaare u gaysteen Goobo ganacsi oo Gaar loo leeyahay kana Mid tahay Xarunta Shirkada Sagal Jet iyo Oomaar.

Waxaana Markii danbe kala eryay Ciidamada amaanka, Warku Wuxuu intaas ku darayaa in Xaalada magaaladda Burco ay hada degen tahay.

Dhanka Kalena Taageerayaal ka tirsan Xisbiga Waddani ayaa Caawa Rabshado ka sameeyay  Xaafada New Hargaysa ee Caasimadda dalka hasa yeeshee Ciidamadda Booliska ayaa kala eryay.

Comments are closed