Mudaharaad ka dhan ah Xadka Xidhan ee Jabuuti iyo Somaliland oo Lawya cado ka dhacay
Lawyacado 28.Feb 2015 (SDN/QJ) – Dadweyne gadoodsan ayaa saaka mudaharaad ka dhigay magaaladda Lawyacado, halkaas oo ay Taayiro ku gubeen iyagoo ku dhawaaqayey erayo ay kaga soo horjeedaan Xadka xidhan ee ay wadaagaan Jabuutin iyo Somaliland.
Dadweynahan oo aad u kacsanaa ayey Ciidamadda Qaranka iyo kuwa Booliiska ahi u adeegsadeen Rasaas kadib markii uu xoogaystay Muadaharaadka ay dhigayeen, hase yeeshee wax khasaare ah lagama soo sheegin dhacdadan. Dadweynaha ayaa si watay Mudaharaadkooda, halka Ciidamaduna muddo dheer kula tacaalayeen rasaasta, taasoo aakhirkii kala dareerisay Mudaharaadayaasha.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inaanu xadku xidhnayn balse la adkeeyey Amaanka, halka Madaxa Somaliland hadalo kala duwan ay kaga jawaabeen xadhiga Xadka, hase yeeshee mudaharaadka ay dadweynuhu isugu soo baxeen ayaa caddeeyey in xadku xidhan yahay. Afar cisho ka hor ayaa la sheegay inay Jabuuti soo daysay dad ku xanibnaa xadkooda, hase yeeshee markii ay soo talaabeen waxa dib u celiyey ciidanka Somaliland, waxaanay wararku sheegayaan xadku in uu wali sidaas ku xidhan yahay.
Wefti ka socda Somaliland oo ku sii jeeda Dalka Turkiga ayaa ku sugan magaaladda Jabuuti, kuwaas oo kala ah Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan, iyo masuuliyiin kale, waxaana la filayaa inay madaxda Dalka Jabuuti kala xaajoon doonaan xadhiga Xadka u dhaxeeya labada Dal. Si kasta ha ahaatee cabasho badan ayay dadweynaha socotada ahi ka muujinayaan xadka labada dal iyo qaabka ay ula macaamilaan, waxaanu Mudaharaadkoodu ka dhashay kadib markii ay Muddo Toddobaad ah ku xanibnaayeen labada dhinac ee xadka. Dawladda Jabuuti oo ay ku sugan yihiin Ciidamo shisheeyey ayaa cabsi ka qabto kooxaha Ismiidaamiyaa inay ka fuliyaan qaraxyo, sida kii sanadkii hore ee kale, waxaanay taasi sababtaa in ay markasta galaan heegan culus oo ay ku hubinayaan cabsidaas.