|

Mudaharaad gilgiley Degmada Saylac, Booliska oo Rasaas Nool Adeegsaday & baaq loo diray Xukuumadda Somaliland Iyo Maamulka oo ka hadlay DHAGAYSO

Saylac, 5. February,2016(SDN/QJ):– Dadweyne u badan dhallinyaro, ayaa Shalay dibad-bax Rabshado wata ka dhigay Magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka Selel ee Somaliland.

3(5)Dadka dibad-baxa dhigay oo ka soo horjeeda Maamulaha kastamka Saylac Mr. Faysal dheere, ayaa Taayiro ku gubay barxadda hore ee Xarunta Kastamka Saylac, waxayna isku dhaceen Dadkaasi Ciidammada Booliska ee ilaalada ka ah Xarunta Kastamka Saylac.

Dhallinyarada Mudaharaadka dhigay oo qaarkood la hadlay Warbaahinta Madaxa-bannaan, ayaa sheegay inay Dawladda uga dacwoodeen tallaabooyin ay sheegeen inay sharciga ka soo horjeedaan oo uu ku kacay Maamulaha Kastamka isla-markaana waxba laga qaban waayay, sidaa daraadeedna ay u dhigeen Mudaharaadkan.

Mudaharaadayaasha, ayaa farriin u diray Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay ka dalbadeen inay Maamulaha Kastamka beddesho, “Mudaharaadkan waxa abuurey oo lagaga soo horjeedaa Maamulaha Kastamka oo Qabiilooyinka iska horkeenay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Mudaharaadayaasha, waxaanu intaa ku daray, “Mudaharaadka waxaanu kaga cabanaynaa Maamulaha Kastamka Saylac oo Gobolka la yimid Musuqmaasuq, Qabyaalad iyo Musuqmaasuq. Maalintuu yimid illaa Maanta qaylo ayaanu direynaa, laakiin, Cid ka soo jawaabeysa ma jirto. Maamulaha wax kale kuma haysanno ee Qabyaalad iyo kala sooc baanu ku haysannaa. Degmada Saylac waxa soo maray 11 Maamule oo Kastamada ah, muxuu dheer yahay 11-kaa Maamule ee ka horeeyay.”

 

Mudaharaadayaashu waxa kale oo ay sheegeen in Maamulaha Kastamka oo adeegsanaya Ciidammada Ammaanku uu Kalluumaysatada Saylac ka joojiyey inay galaan badda, inkasta oo aan la ogeyn sida arrintaasi ku timid ama waxa keenay.

Mudaharaadayaasha oo Ciidammada Booliska ee ilaalada ka ah Xarunta Kastamka ku rideen rasaas nool, ayaa markii dambe waxa kala dareeriyey Maayarka Saylac oo ku qanciyey inay isaga u daayaan wax ka qabashada cabashadooda.

 

Comments are closed