Mudaharaad Dhoole Tus ah oo Haweenka Taageera Alshabaab kaga Fal Celiyeen Kii Xukuumada Somalia
Buulo Burde 24.Feb 2014 (SDN)- Haween taageersan kooxda Al-Shabaab,ayaa muddaharaad dhoolatus ah ugu jawaabay Xaawalayda Muqdisho oo dorraad sameeyay muddaharaad ay kaga soo hor jeedaan kooxda Al-Shabaab.
Dibad baxayaal u badan Haween iyo dhalinyaro taageersan Al-Shabaab ayaa socod kusoo maray qeybo kala duwan oo katirsan Degmada Buulo Burte , dadka dhigayay dibad baxa ayaa waxay kaga soo hor jeedeen joogitaanka ciidanka AMISOM ee ka socda Midawga Afrika iyo Xukuumadda Soomaaliya oo ay dagaal kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Haweenka muddaharaadayay ee taageersanaa kooxda Al-Shabaab,ayaa ku dhawaaqayay hadallo ka dhan ah ciidanka AMISOM iyo Xukuumadda Soomaaliya isla markaana sheegay inay dagaal diyaar u yihiin inay la galaan Dawladda Soomaaliya.
Ugu dambayn muddaharaadayaashan dumarka ah,ayaa ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan xaawalayda Muqdisho dibad baxa ka sameeyay ee ka soo hor jeeda waxay ugu yeedheen Mujaahidiinta.
Waa markii ugu horraysay ee haween kala taageersan Dawladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab,ay muddaharaad isugu jawaabaan,taasoo aan hore u dhici jirin isla markaana noqonaysa tallaabo aan looga baran dumarka Soomaaliya.
Buulo Burde SDN.
Qurbejoog.com