Mudaaneyaal ka tirsan Gollaha Guurtida oo shir guddoonkooda u gudbiyay dalab ka dhan ah Xoghayaha Gollahaas iyo ajandaha kalfidhiga oo loo qeybiyay
Hargeysa Feb 09,2012(qurbejoog.com)-Golaha guurtida ee Somaliland ayaa fadhigoodii maanta loogu qeybiyey qodobada uuk a kooban yahay ajandaha kalfadhigooda 46-aad kaasoo xambaarsan todoba qodob.
Waxa kal fadhigan shir gudoominayey ku simaha guddoomiyaha golaha guurtida, isla markaana ah guddooye ku xigeenka kowaad ee golaha guurtida sheikh sheikh nuux fure, isagoo xildhibaanada kuwargaliyey inay ka soo baaraan degaan soo naaqishida ajandaha si ay doodiisu u bilaabanto maalmaha soo socda.
Godobada ajandaha kalfidhiga 46-aad ee golaha guurtida ayaa ka kooban.
1-warbixinta shir-guddoonka
2-warbixinta guddida joogtada ah.
3-siiyaasadda.
i- Gududaha
ii- Dibadda.
4- nabad-galyada iyo horumarineed.
i- Nabad-galyada guud ee dalka iyo xaaladda taagan.
ii- Udiyaargarawga doorashooyinka iyo doorka golaha guurtida.
5- xog waraysi lala yeesho wasiirada.
i- Wasiirka u dajinta
ii- Wasiirka caddaalada
iii- Wasiirka warfaafinta
6- xeerarka golaha wakiiladu soo gudbiyaan
i- Xeerka nabad-galyada
Geesta kalena
Fadhigii maanta ee golaha guurtida Somaliland ayaa mudanayaasha ka tirsan golaha guurtida, waxay shirguddoonka u gudbiyeen waraaq ay ku dalbanaan in xilka laga qaado xoghayaha guud ee golaha guurtida C/laahi Ibraahim Habane , iyagoo ku eedeeyey inuu wado qorshe lagu kala qeybinaayo mudanayaasha golaha, maadaama aanay wada shaqeyn Karin xoghayaha guud iyo mudanayaasha golaha guurtidu.
Geesta kale xildhibaan C/laahi Ibraahim Habane oo ka hadlay arrintaasi ayaa sheegay in xildhibaanada warqaddaasi soo gudbiyey ay yihiin qaar garab marsan xeer hoosaadka golaha, waxaanu ugu baaqay in isaga iyo mudanayaasha ay u dhaxeeyaan shirguddoonka goluhu , isla markaana ay cabashadoodu ay marka hore soo waafajiyaan sharciga golaha.
Qurbejoog-Hargeysa