Mucjisooyinka uu Koobsaday Hawlgalkii Birjeex ee Lagu furtay Alle ha u Naxariistee Mujaahid C.laahi Askar DAAWO
Hargaysa 13.April 2016 (SDN/QJ):- Waa Mid ka Mid ah Dharaaraha Xusuuseed ee Taariikhda Galay Waa Hawlgalkii Caan baxay ee Birjeex amase Bad Jeex ee Ka Dhacay Miiska Saraakiisha ee Magaalada Hargaysa,Waxaa Hawlgalkaas lagu furtay Eebbe Naxariistiisii Jano ha ka waraabiyee Mujaahid C.laahi Askar Waxaa Hogaaminayay Ciidankii Furtay Alle ha u Naxariistee Mujaahid Ibraahin Koodbuur.
Wuxuu Hawlgalkani ka dhacay Magaalada Hargaysa Taariikhdu Markay ahayd 11-kii Bishii April Sannadkii 1983.
Hawlgalkaas oo Guulaystay Waxaa fulintiisa ka qayb galay Mujaahidiinta Magacyadoodu Hoos ku Sheegan Yihiin oo kala ah.
1: muj: Ibrahim maxamed ismail (koodbuur)
2: muj: c/salaan turki
3: muj: biixi xaaji xasan (was muj.ku dhintey miiska saraakiisha hortiisa)
4: muj: siciid cabdi yaasiin
5: muj: siciid axmed dhigane
6: muj: aden maal caqli
7: muj: cabdi ciid faarax
8: muj: sulebaan siciid
9: muj: axmed xuseen (maloosh)
10:muj: Ibrahim maxamed carab
11:muj: maxamed xuseen geedi ( kur libaax)
Iyo muj : CABDILLAHI askar oo lagala soo baxey miiska saraakiisha