Mucjisooyinka Eebe: Nin Lug Kaliya Leh Oo Dabbaal Ugu Kala Gudbay Laba Dal !
Hargaysa 26. May 2017 (SDN/QJ):- Laxaadku waa Nimco uu Ilaahay bixiyo oo ay habboon tahay in loogu mahadnaqo, Akhriste ogow in aanad ku helin awood ee uu rabbi kugu mannaystay, mana aha sida dad badan oo inaga mid ahi aaminsan yihiin in haddii qofka qayb laxaadkiisa ka mid ahi ay maqan tahay aanu awoodi Karin inuu noolaado ama uu nolosha guul ka gaadho arrintaasina waxa xaqiijiyay nin u dashay Dalka Masar oo ku socda Lug Kaliya halka Lugtiisa kale ay go’an tahay waxaanu ku guulaystay inuu isaga oo Dabbaalanaya usoo kala gudbay Dalalka Jordan iyo Masar, ninkan oo magaciisa la yidhaa Cumar Xijaasi Da’diisuna tahay 26 sano oo ka shaqeeya mid ka mid ah Bangiyada Dalkaasi Masar ayaa waxa uu Lugtiisa ku waayay Shil Laba sano kahor uu galay. waxaanu labadaasi Dal usoo kala dabbaalanay muddo Sagaal Saacadood ah, isaga oo soo jaray Masaafo Dhan 20Km oo ah badda ku taalla Gacanka Al-caqaba ee u dhexeeya labadaasi Dal.
Xijaasi ayaa waxa uu ku yidhi wareysi uu siiyay Reuters “intii aanan shilka galin kahor waxaan fannan jiray buuraha, balse markii danbe waan iska daayay oo waxaan ku dedaalay Dabbaasha waanan ka midha dhaliyay”.
Arrintan ayaa waxay ina tusinaysaa in qofka kasta oo higsi leh haddii uu dedaalo ku guulaysan karo hadafka uu ka leeyahay nolosha, laakiin ugu horayn waa in aad Ilaahay SWT tala saarataa.