Mucjiso:Mataanno Isku Dhegen oo ku Dhashay Somaliya & Dood Caafimaad oo ka Taagan Sidii loo Kala Jari lahaa
Muqdisho 13.March 2015 (SDN/QJ):- Muqdisho Laba carruura oo ah mataanno isku dhegan, ayaa ku dhashay degaanka Ruun-nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ee dalka Soomaaliya, kuwaasoo loo qaaday dhinaca magaalada Muqdisho si wax looga qabto xaaladooda caafimaad.
Labada carruurta ah oo isaga dhegan qaybta dambe ee jidhkooda, isla markaana leh laba madax, afar gacmood iyo saddex luguud, ayaa la dhigay cusbitaalka Ummah oo ku yaal degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaabka carruurtaas isku dhegan u dhasheen lagu tilmaamay inay tahay abuur Alle oo mucjiso ah.
Sida lagu baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho, dhaqaatiirta cusbitaalka Ummah, ayaa sheegay in dhacdana carruurta mataanaha ah tahay wax ka yimi xagga Ilaahay, loona baahan yahay in ummadaha muslimka ah ku cibro qaataan, kuwaasoo xusay in aanay jirin xaalad caafimaad-darro degdeg ah oo hadda haysata ilmaha isku dhegan.
Waxa dhakhaatiirtu ku talliyeen in carruurtan u baahan yihiin qallin casri ah oo lagu kala saaro, kaasoo aan waxba lagaga qaban karin gudaha Soomaaliya iyo Afrika, dalka ugu dhaw ee qallinkaas samayn karaana yahay waddanka Jarmalka ee Qaaradda Yurub, iyagoo dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay inay taageero ka gaystaan sidii wax loogu qaban lahaa carruurtaas oo qoys danyar ah ka dhashay.
Hooyo Xamdi Maxamed Axmed oo ah hooyada dhashay carruurta isku dhegan, ayaa ka codsatay dawladda Soomaaliya iyo dhammaan bulshada Af-soomaaliga ku hadasha inay gacan ka gaystaan sidii ubadkaas mucjisada ah loogu qaadi lahaa qalliin dibadda ah oo wax lagaga qabto xaaladooda caafimaad.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqul-insaanka Soomaaliya Muumino Sheekh Cumar oo cusbitaalka ku booqatay carruurtaas mucsjisada ah, ayaa sheegtay in Wasaaraddoodu gacan weyn ka geysan doonto siddii carruurtaas u heli lahaayeen gargaar caafimaad oo dibadda ah.