|

Mucjiso:Hooyo Reer Somaliland ah,Indho La’a,Dhamaan Awlaadeedii ka dhinteen,Balse Faraxsan Iyo Telefishan Caalami ah oo soo Tebiyay Daawo

Hargaysa 23.July 2014 (SDN/QJ)-Muuqaalkani waa mid uu soo duubay Sheekh daaci ah, una dhashay dalka Sacuudiga, waxaad ku daawan doontaa qiso qof walboo daawadey qalbigiisa dhalaalisay, kuna abuurtay qushuuc iyo dareen aan la cabiri karin.

Hadaba qisadan oo Af carabi lagu tebinayo, ayaan soo koobeyna qodobada ugu muhiimsan.

Shiikhu waxa uu tegay qeybo dhulka Soomaalida ka tirsan, gaar ahaan Somaliland, waxa uu kusoo arkey qoys ka kooban Hooyo, Aabe iyo wiil ay dhaleen.

Hooyadu waa indha la’dahay, aabuhuna isna wax sidaas ah kama roona walow uu weli wax arko, labaduba ilko fiican maleh, raashinkana waxey ka cunaan midka ugu jilcan ee si aad ah loo kariyay.

Qoyskani waxey dhaleen 12 caruur ah, balse 11 ayaa ka dhimatey, waxeyna dhinteen inti u dhaxeysay 1984 ilaa 1992 ayagoo u dhintay Baahi abaari keentay, dagaal, iyo duruufo kale.

Hooyada iyo aabaha waxaa u baaqi ah hal wiil oo kali ah, balse wiilkan ayaa ilaahey uga dhigay mid baari ah oo ilowsiiyay dhamaan caruurtii kale ee ka dhimatey, waxa uuna buuxiyay booskoodii.

Waalidiintani walow ay 11 caruur ah ka dhinteen, dhibaato intaas la egna ay ku sugan yihiin, hadana kama muuqato wax murug ah, balse taas caksigeeda waa kuwa faraxsan, waxeyna leeyihiin dhibka nala tusay rabbi ayaan dheef iyo naxariis ka rajeyneynaa inuu noogu bedelo.

Wiilkani hooyadiis iyo Aabihiis ayuu maalin walba iyo saacad walba ag taagan yahay, mana uusan guursan isagoo diidan inuu ka mashquulo waalidkiis oo u baahan, hooyadis wax walboo ay u baahan tahay ayuu u qabtaa, maadama ay indho la’dahay waxna aysan qabsan karin, waxaana xusid mudan in marka uu wiilkani maalintii oo dhan wax walba u sameeyo hooyadiis, in ay marka ugu danbeysa ka dalbato in uu qur’aanka ku dul akhriyo iyada, si ay codkiisa ugu raaxeysato..

Shiikha qisadan oo muuqaal ah tebinaya waxa uu leeyahay waa muuqaalkii iigu fiicnaa ee aan arko nolosheyda, wiilkanina waa qofkii ugu baarisanaa dhanka birrul waalideynka ee aan nolosheyda la kulmo..

Hadaba hoos ka daawo qisadan oo ay hubaal tahay in ku qiiro gelin doonto..

Comments are closed