Mucjiso: Nin 5-Bilood ka Hor La Waayey Oo Maydkiisa Laga Soo Saaray Gurigiisa Hoostiisa iyo Eedaysanayaal Xaaskiisu ku jirto oo Gacanta Lagu Dhigay
Boosaaso:19-Oct-2013(SDN)-Marsada Boosaaso ee Deegaanka Puntland, waxa maalintii shalay lagu arkay dhacdo raad badan ku samaysay dhammaanba dadka Deegaankaas iyo ciddii kale ee Maqashayba.
Shalay Duhurkii ayey ciidamo Bolis ahi Si kedis ah ku galeen Aqalka uu magaaladaas ka Deggenaa marxuum la Odhan jirey Maxamed Bashiir oo Ehelladiisu ciidanka ammaanka muddo 5-bilood horteed ah ku wargeliyeen in la la’yahay.
Marxuumkan la waayey oo Nolol Lagu ogaa ayaa ciidanku Aqalkiisa Hoostiisa ka soo saareen Maydkiisa oo inta la Googooyey lagu aasay aqalkiisa Hoostiisa, waxana Halkaas lagu soo xidhxdhay eedaysanayaal ay ku jirto Haweenaydii marxuumku qabay oo lagu tuhmayo inay maleegtay falkii ninkan lagu dilay laguna Aasay.
Arrinta kale ee dadkii Goobta Joogay mucjisada ku noqotay, ayaa ahayd markii isla guriga ay ciidanku ugu tageen Nin kale oo la sheegay inuu Haweenaydan qabay, kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu yahay ninkii isagu gacantiisa ku dilay marxuumkan Gabadha hore u qabi jirey.
Shacabka reer Boosaaso oo si iskugu soo baxay, ayaa ka fajacay dhacdadani cadaawadda leh ee islaamniada ka baxsan ee dadka ajaanibka ahi ka dhex sameeyeen Magaalada, waxana wajiyadooda ka muuqatay yaab iyo amakaag la xidhiidha arrintan ay indhahooda ku arkeen.
Sarkaal ka tirsan ciidamadda amaanka ee maamulka Puntland oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa cadeeyay xadhiga Saddexdan qof ee eedaysanayaasha ah, waxaanu xusay in magacyada eedaysanayaashan ay xidheen ay yihiin dad Oromo ah oo u dhashay dalka Ethiopia, waxaanu magacyadooda ku sheegay Tamam Ahmed, iyo Iftin Mohammed Osman, oo ahayd xaaskii uu qabay marxuumka la dilay oo ka qayb qaadatay shirqoolka lagu dilay ninkeeda, waxaanu intaa ku daray in marxuumkan lagu dhex dilay gurigiisa oo ku yaalay gudaha magaalada Boosaaso.
Sidoo kale, eedaysanaha Seddexaad ayuu sarakaalkani ku sheegay in uu ahaa nin ku hadlaayay afka Oromadda isaga oo goob ka ahaa goobtii uu dilkani dhacayay, isaga oo sheegay dhamaantood ay eedaysanayaashu ku hadlayeen luqada Afka Orromada.
Sarakaalku waxa kale oo intaa ku daray in ciidamadda amaanku ay ku guulaysteen baadhitaano ay sameeyeen iyaga oo gacan ka helaya ehelada marxuumkii la dilay taasina ay u suurta gelisay in ay eedaysanayaasha gacanta ku soo dhigaan.
Dhacdadan xanuunka Badan ayaa ah mid ay adagtahay sida loo rumaystaa, waxana wali goobaha la isku yimaaddo lagu faallaynayaa waxa sababay in dad ajaanib ahi ku dhiirradaan inay arrin sidaas oo kale ah ay ku kacaan, iyadoo taas loo aanaynayo sharci adag oo aan haatan Guud ahaanba soomaaliya ka jirin.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com