|

“Mucaaridka Waxan leeyahay Wadaag Lama Samayn Karo,waxaana Dawlada Xilka Haysa Ka qaadi Kara uun Shacab Ka Codeeya oo Kalsoonida Siiya….”Wasiir Waran-cadde.

Hargeysa:Feb,21,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa Markii ugu horraysay ka Jawaabtay Hadal dhawaan kasoo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Caabdiraxmaan Cirro, kaas oo salka ku hayey haddii xukuumaddu ku guuldarraysatay inay doorasho qabato in xukuumad wadaaag ah la dhiso.

warankaWasiirka Arrimaha Gudaha oo maanta afka xukuumadda ku Hadlayey, ayaa sheegay inaanu hadalkaasi ahayn mid munaasib ah, waxana uu carrabka ku adkeeyey in xukuumad lasoo doortay kaliya ay baddali karto mid kale oo shacabku soo doorteen,

“waxaan maanta Halkan ku sheegayaa inaan ugu Quus Gooyo Asxaabta mucaaradka,waxaanan leeyahay Dalkani waxa uu leeyahay Nidaam Dawladeed oo la iska Soo dhaxlay,waxaana ay dawladani ku timadaa Shacab Soo doortay Dawlada Wadaagna Lama Samayn Karo,waxaana Dawlada Xilka Haysa Ka qaadi Kara uun Shacab  Ka Codeeya oo Kalsoonida Siiyaa,Lakiin inta ka Horaysa Cida awooda iska Leh waa La Garanayaa.” Ayuu yidhi Cali waran-cadde.

Mudane Cali Waran-cadde oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Xataa Haddii doorasho la qaban waayo aanay dhibaato dhici doonin ee Distoorka uun la raaci doono, waxana uu yidhi,

“dadku Yaabi Maayo dalkuna Yaabi Maayo Ee waxaan Ka baqayaa inaad Ninka waxaas Sheegayow Adigu Yaabtid,shacabka Somaliland waxaan leeyahay ilaashada Nabadiina iyo Amnigaas ilaahay idinku Manaystay,Nabad Cid dhaawac u gaysan Kartaa Majirto,Dalkan waxa uu ku soo caano Maalay Dawlada Dhisan.”

Wasiir Waran-cadde oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay xukuumaddu gebi ahaanba dhamaystirtay wixii shuruudo ahaa ee dhinaceeda looga Baahnaa si doorasho loo qabto, waxana uu yidhi,

“Halkan waxaan ka Cadaynayaa In Wixii Lagu Gali Lahaa Doorashada ay Dhamaysay Xukuumada Somaliland Si Aanay u dhaafin Sanadka 2015Ka,Lacagta Doorashada ku Baxaysaa way Badan tahay Qayb waxa qaadatay Dawlada Somaliladn Qaybna waxa Qaadatay Bulshada Caalamka,Halkan waxaan ka cadaynayaa Qaybtii ku Aadanayd Xukuumada somaliladn In ay ku dartay Bajadka 2015ka,waxaad ogtihiin Sharcigeenu dhigayo Qof Aan somaliland Ahayn inaanu Doorasho Dalka ka gali Karin oo Ah diwaan Galinta inuu isna Yahay mid Gabaabsi Ah,waxaana ay dhamaanaysay inta Aan doorashada La gadhin.”

Laba maalmood ka hor ayey ahayd markii Guddoomiye Cirro si rasmi ah  u iclaamiyey inaan xisbigiisu aqoonsan doonin xukuumadda Kulmiye Wixii ka dambeeya 26-Ka June oo ah Maalinta ay ku dhantahay Shantii sano ee la doortay, waxana xukuumaddu arrintaas kaga galgalatay inay shuruucdii Doorashooyinka dhinaca Baarlamaanka qabyo ka yihiin.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed