|

Mucaaridka Syria oo qabqabtay ciidamadii u badnaa ee ka tirsan Xukuumada Bashar Asad

Elapo Oct 13,2012(SDN)-Xoogaga mucaaridka ee dalka Syria ayaa shaaca ka qaaday in dagaal qadhaadh oo ay la galeen ciimada xukuumada Syria in ay ku qabqabteen ciidamadii u badnaa.

Mucaaridka Syria ayaa sheegay dagaal ay la galeen kuwa dawlada in ay ku qabqabteen tiro ciidamo ah oo ay ku sheegeen 256 askari.

Dagaalka ciidamadan faraha badan lagu qabtay ayaa ahaa mid socdey mudo todobo saacadood ka badan.

Dawlada Syria ayaan weli ka hadal sheegashada ciidamada mucaaridka ee ku wejahan dagaalka mudada dheer socday ee ciidamada dawladana lagu qabtay.

Ma jirto cid madax banaan oo Syria ku sugan oo xaqiijin karta dhacdada u danbeeysay iyo xaalada guud ee dalkaasi.

SDN-Elapo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed