|

Mucaaridka Jabuuti oo Xukuumada Jabuuti ku Dhaleeceeyay in aaney fulin heshiiskii labada dhan ay wada jirka u sexeexeen

Jabuuti June 09,20159SDN/QJ)-Dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN ayaa dhaleeceysay sida xukuumada Ismaaciil Cumar Geelle uga gaabisay hir gelintii heshiiskii ay labada dhan kala sexeexdeen.

Heshiis ayaa salka ku hayay xal laga gaaro murankii siyaasadeed ee ka dhashay doorashooyinkii aqalka Baarlamaanka dalkaa ka dhacay sanadii 2013kii.

Sidaa waxa saxaafada u sheegay  Madaxa Dalada Mucaaridka Jabuuti Md Youssouf Ahmed Houmed.

“Shan bilood ka dib kolkii heshiiska la kala sexeeday waxa cad in aan heshiiskii la dhaqan gelin” ayuu yiri Youssouf Ahmed Houmed.

Mucaaridka oo ku doodayay in ay ku guuleysteen Doorashada kuraata baarlamaanka oo ah 65 kursi ayaa heshiiska ku helay 10 kursi.

Heshiiska oo ka koobnaa dhawr qodob ayaa waxa uu haatan u muuqdaa mid ay soo baxday in Xukuumada madaxweyne Ismaciil Cumar Geele aanu daacad ka aheyn.

SDN/QJ-Djabuuti

contact@qurbejoog.com

Comments are closed